Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Madaxweynaha dalka Jarmalka Wulff oo is casiley kadib markii ay ku soo baxday fadeexad.

$
0
0

Madaxweynaha dalka Jarmalka Christian Wulff ayaa ku dhowaaqay inuu is casiley kadib markii uu codsaday xeer ilaaliyaha dalka Jarmalka in laga qaado xasaanada madaxweyne Wulff.
Mr Wulff oo isbahaysi ahaayeen R/wasaare Angela Merkel ayaa waxaa ku soo baxday fadeexad la xiriirta amaah guri xilli uu madax ka ahaa aqalka hoose ee Saxony loo yaqaan.
Mrs Merkel ayaa joojisey booqasho ay ku tegi lahayd dalka Talyaaniga maanta si ay arrintan soo baxday ula tacaasho,waxayna Merkel sheegtey in ay ka xun tahay in madaxweynuhu uu is casilo.
Mrs Merkel oo labo sano kahor u madacawday madaxweyne waxayna sheegtay inay iyadoo ka xun ay  aqbashay is casilaadiisa.
Xilka madaxweyninimada dalka Jarmal oo ah mid sharafeed ayaa hadana haweeneyda R/wasaaraha ka ah Angela Merkel waxa ay haatan bilowday la tashi ay la yeelanayso qeybaha siyaasada dalka Jarmalka si loo helo qof bedela madaxweynaha is casilay.
Horst Seehofer  oo ka tirsan xisbiga (CSU) ayaa si kumeelgaar ah u sii hayn doona xilka madaxweynaha dalka Jarmalka.
Fadeexada haraysay madaxweyne Wulff ayaa soo shaac baxday bishii December ee sanadkii hore.
Waxaana fadeexadan markii ugu horeysey soo daabacay wargeyska The Bild iyadoo uu wargeysku daabacay in Mr Wullf u ka qaatay lacag dulsaar ah xaaka nin  ganacsade ah  sanadkii 2008dii iyadoo lacagtaana ay gaareysey lacag dhan 500,000 euro una dhiganta (£417,000; $649,000).
Hase yeeshee Mr Wulff ayaa markii wax laga weydiiyey xiriirka dhex maray isaga iyo xaaska ganacsade Egon Geerkens uu dafirey.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyey in isku dayay in uu ku qasbo wargeyska Bild inuusan daabacin sheekada.
Waxaana la sheegay in uu isagoo careysan uu farriin u direy tifatiraha wargeyska Bild ee Kai Diekmann isagoo ku amray in aan arrinta fadeexada ah aan la daabacin.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>