Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo oo guuldaro ku dhamaaday

$
0
0

Wadahadaladii u dhexeeya xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa guul-darro ku dhammaaday kadib markii la isku fahmi waayay wadahadallo socday shantii maalmood ee lasoo dhaafay, wasiira arrimaha gudaha iyo amaniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa horay u sheegay in labada dhinac ay isku mari waayeen qodobbo dastuuri ah oo laga gudbi waayay, isagoo xusay in dhankooda ay tanaasul fara badan sameeyeen.isagoo dhinaca kale sheegay in laga yaabo in wadahadaladu siisocdaan, balse waxa ay xaqiiqowday in wadahadaladu bur-bureen kadib markii wafdigii dowladdu ay shalay dib ugu soo laabteen magaalada muqdisho iyadoo aan wax natiijo ah ka gaarin wadahadaladaasi kadib markii maamulka KMG ah ee kismaayo ay ku adkeysteen in aan la joojineynin shirka kismaayo oo ay sheegeen inay ka go,antahay in shirkaasi maamul loogu dhiso iyagoo sidoo kale diiday in dhismaha maamul KMG ah oo kismaayo laga dhiso muddo lix bilood,kadibna la qabto shirweyne lagu dhisayo maamul goboleed ay yeeshaan gobolada jubbooyinka
Sida warku sheegayo guddi xukuumadda soomaaliya  u saartay wadahadaladaiyo guddi maamulka KMG ahi u saareen inay dhinacooda u matelaan wadahadalada ayaa kismaayo ku yeeshay wadahadallo qaatay dhowr maalmood,kuwaas oo ka wadahalayey  qodobo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin: Maamul Sameynta Jubbooyinka iyo Federaalka,  Dekedda iyo Garoonka, Amniga iyo Ciidamada,  Dib u heshiisiinta iyo qodka shanaad oo lagu sheegay, Dib u xoreynta deegaanada dhiman oo ay ula jeedaan deegaanada ay weli ku sugan yihiin ciidamada xarakada Al-shabaab.
“Xukuumaddu waxay aad isugu dayday inay wixii tanaasul ah oo ay sameyn karto ay sameyso, balse waxaa soo baxay qodobbo dastuuri ah oo in laga gudbo ay aad u adkaatay, waayo dastuurka waa midka keliya ee ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay heshiiska ku yihiin,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.oo ka hadlayey  inay jiraan qodobo la isku mari waayey ,waxaana la sheegay in markii dambe ay kulan ka fool ka fool oo gaar ah ay yeesheen Ra’isul wasaaraha xukumaad oo hoggaaminyey wafdigii dowladda ee tagay kismaayo iyo  iyo guddoomiyaha maamulka KMG ah ee maamulka Kismaayo ka arrimiya kaas oo an isna la sheegin wax natiijo ah oo ka soobaxay ,taas oo aakhirkii keentay inay wadahadaladaasi gabi ahaanba istaagaan islamrkaasna ay wafdigii xukuumaddu isagoo soo huleelaan magaalada kismaayo iya oo aan wax natiijo ka gaarin wadahadaladaasi.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>