Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dowladda Soomaliya oo helaysa hubkii ugu horeeyay tan iyo markii laga qaaday cunno-qabateyntii hubka

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliy Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay rajeynayaan inay helaan hubkii ugu horreeyay tan iyo markii laga qaaday cunno-qabateyntii hubka ee saarnayd Soomaaliya in ka badan 20 sano, si ay u xoojiaan ciidamadooda dagaalka kula jira Al-shabaab sida uu yiri, Xasan Sheekh ayaa sheegay inay og-yihiin walaaca ay beesha caalamka ka qabaan in hub loo diro dal ay dagaallo ka socdaan, isagoo xusay inay la socdaan in dunidu ay eegayso sida ay dowladda Soomaaliya hubkan cusub u maareynayso.
“Waxaan qaadnay mas’uuliyad buuxda; dunidana innaga ayay na eegaysaa oo ay na ilaalinayaan” ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters isagoo ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo uu kaga   qaybgalay shirkii Jaamacadda Carabta, Madaxweyne Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaaliy ay heli doonto hubka ugu horeeya inta lagu jiro labada bilood ee soo socota, wuxuuna isagoo arrintaasi kasii hadlaya uu yiri: “Kama walaacsanin inaan qalab helno, balse waxaan ka walaacsannahay sidii qalabkaas lagu maareyn lahaa.”
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay mustaqbalka dhow ay dalkii ay doonto hubkeeda ka iibsan doonto. “Waxaan raadinaynaa qalab nagu habboon oo aan ku xallin karno ammaanka gudaha dalka. Balse xilliga soo socda Soomaaliya waxay noqon doontaa dowlad weyn oo hawadeeda iyo baddeedu furan tahay, sidaa daraadeedna waxaan u baahanaynaa hubka aad u waaweyn”.
Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inay u baahan yihiin lacag dhan 450-milyan oo dollar, si loogu horumariyo 72 degmo oo ku yaalla Soomaaliya, si dalka uu uga baxo ku tiirsanaanta gargaarka aadanaha ee dibadda ka yimaada, hadalka madaxweynaha ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka qaaday Soomaaliya cunno-qabteyntii hubka ee la saaray sannadkii 1992-kii markaasoo hoggaamiye kooxeedyo ay isku qabqabsadeen awoodda dalka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>