Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Khasaarihii ka soo gaaray ciidamada AMISOM dagaalada Soomaaliya oo la shaaciyey iyo warar sheegaya

$
0
0

Idaacad fadhigeedu yahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo North Country public radio ayaa wax ka qortay sheeko ku saabsan khasaaraha nafeed ee ciidamada Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya ee AMISOM kaas oo gaaray dagaalada ay la galeen Xarakadda Al-shabab ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, sida ay idaacaddaasi sheegtay xoggo dhawr dhinac ay ka heshay ayaa muujinaya tiro badan oo ka trsan ciidamada AMISOM inay ku naf waayeen dagaaladii ay Al-Shabab la galeen.
Warbixinta ay idaacadaan diyaarisay waxay ku sheegtay in qiyaastii 500 oo askari oo ka kala tirsan ciidamada dawladaha Uganda iyo Burundi ay ku naf waayeen dagaaladii cuslaa gaar ahaan kuwii ka dhacay magaalada Muqdisho ka hor inta aysan Al-Shabab ka bixin magaalada, saraakiil aysan warbaahinta warkaan qortay aysan magacyadooda sheegin hase ahaatee AMISOM ka tirsan ayaa xaqiijiyay inay askar badan ku waayeen dagaaladii ay Al-Shabab la galeen.
Meelaha ugu badan ee khasaarahuhu kasoo gaaray ciidamada AMISOM waxaa ka mid ah wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka dhismaha wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya oo Al-Shabab mar xarun u ahaan jirtay, warar kale ayaa sheegay in askarta AMISOM ee dagaalada ku geeriyooday ay kun askari gaarayaan inkastoo aysan jirin cid AMISOM ka tirsan oo xaqiijisay warkan.
Sarkaalka la yiraahdo Michael Ondoga oo ka tirsan saraakiisha AMISOM oo idaacadaan ay la hadashay ayaa sheegay inuu jiro khasaaro soo gaaray ciidamadooda hase ahaatee ay kusii adkaysteen inay dagaalada Al-Shabaab ka dhan ah ugu dambeyna ay ka guulaysteen sida uu yiri, Michael Ondoga waxaa uu ku dooday in ciidamadooda ay kal adeyg muujiyeen intii ay howsha Soomaaliya ka wadeen waxaana uu tilmaamay in guulo ka gaareen hawlgalkooda oo ay dhul badan Al-Shabab ka saareen.
Saarkaalkaan waxaa uu sidoo kale sheegay inuu aad ugu mahadnaqayo dawladaha midowga Africa ku gacan siiyay hawsha ay AMISOM Soomaaliya ka wado si gaar ah dowlada Maraykanka oo uu sheegay inay si gaar ah isku garab istaagtay, waxaana uu muujiyay inay weli taageeradaas u baahan yihiin, ciidamada AMISOM oo Soomaaliya markii ugu horeysay yimid sanadkii 2007 dagaalna kula jira Xarakadda Al-Shabab si rasmi ah looma oga khasaaraha nafeed ee kasoo gaaray dagaalada ay ku jiraan iyaguna kama aysan hadlin,Hase ahaatee Al-Shabab ayaa dhawr jeer Soomaaliya kusoo bandhigay meydadka askar AMISOM ka tirsanaa oo ay dagaalo ku dileen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>