Kismaayo (Sh.M.Network) Taliyihii Ciidanka Nabad Sugidda Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose Isaaq Max’ed Kheyre Boqorow ayaa La sheegay in ay Xabsiga Dhigeen Ciidamo ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskaambooni markii La sheegay in Laga qabtay Bartamaha Magaalada Kismaayo.
Sarkaalkaan oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho xilli uu ku jiray Xabsi ay Maamulaan Maleeshiyaadka Raaskaambooni ayaa waxa uu sheegay in sababta Loo xiray ay ugu weyntahay kadib markii uu sheegay Miino dhulka ku aasneed oo la doonayay in Lagu qarxiyo Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.
Sarkaalkaan ayaa tilmaamay in miinadaasi uu halkaasi ka bixiyay hase ahaatee shaqsiyaad gaara ay bartilmaamsadeen balse eeyan u dhameen Maamulka KMG kismaayo.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose oo ku aadan Xariggaan Loo geestay Sarkaalkii ugu sareeyay Ciidanka Nabad Sugida ee Ka howl gala Magaalada Kismaayo.
↧
Taliyihii Ciidanka Nabad Sugid Kismaayo oo Jeelka La dhigay
↧