Jowhar (Sh.M.Network) Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah La geyn doono Deegaanno iyo Degmooyin Ka tirsan Gobolkaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Jiinow Calasow ayaa sheegay in Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya uu ballan qaaday ciidamo Buliis ah oo La geyn doono Gobolka Shabeelaha Dhexe islamarkaana Horumar deg deg ah uu ka tallaabsan doono Gobolkaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa sidoo kale ugu baaqay Shacabka ku nool Gobolkaasi in ay dowladda Taageeraan islamarkaana sugidda Amniga ay kala shaqeeyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Hadalkaan ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowladda Soomaaliya ee ku aadan in Ciidamo Boolis ah la geyn doono Deegaanada Sh/Dhexe ayaa ku soo beegmaya xilli aan wax Ciidamo Buliis ah weli lageyn Gobolkaasi tan iyo Markii dowladda Soomaaliya ay la wareegtay Gobolka Sh/Dhexe.
↧
Ciidamo Boolis ah oo La geynayo Shabeelaha Dhexe
↧