Gaalkacyo ( Sh.M.Network ) Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug Max’ed Xasan Gaaraxo oo Maanta Ciidamo Boolis ah kula hadlayay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug .
Gaaraxo ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Galmudug ay amar u qabaan in ay toogtaan Cid kasta oo caqabad ku ah Nabad Gelyada Kana Hortimaada Howl Galladooda.
Wasiir Ku xigeenka ayaa Ciidamada ka codsaday in Howl galladooda aaney noqon kuwa lagu dhibaateeyo Shacabka Ku abtirsada Maamulkaasi Galmudug.
Hadalka ka soo yeeray Wasiir Ku xigeenka arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Maamulka Galmudug ayaa ku soo Beegmaya xilli Muddooyinkii dambe Ciidamada Ammaanka ee Maamulkaasi ay wadeen Muddooyinkii dambe Howl gallo ay ku baadi Goobayaan Kooxo falal Ammaan darri ka geysanayay deegaanada Maamulkaasi Galmudug
↧
Galmudug oo Ciidamadeeda Amar ku siisay in ay toogtaan Kooxaha falalka Amaan darri ka geysta Deegaanadeeda
↧