Alle Ha u naxariistee waxa Maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada hargeysa Gudoomiye Ku xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida Marxuum-Sheekh Axmed Nuux Furre oo sida la sheegay u jiifay xanuun in muddo ah hayay oo maanta ku geeriyooday hargeysa.
ALLE ha u naxariistee Sh. Axmed Sh, Nuux Furre waxa uu Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida ahaa 22-kii sanadood ee Somaliland madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa xubnihii faro ku tiriska ahaa ee lagu aasaasay Golaha Guurtida, waxaanu ka mid ahaa horseedkii kaalinta weyn ka soo qaatay nabadayntii beelaha, hubka dhigistii maleeshiyaadkii iyo dib u dhiska Hay’adaha dawliga ah.
Shirgudoonka Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland ayaa dhambaalo tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii, Golaha Guurtida iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday ALLE ha u naxariistee Marxuum- Sheekh Axmed Furre oo ay ku sifeeyeen rukun weyn oo ka baxay qaranka Somaliland, waxaanay ILAAHAY uga baryeen Marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.
waxaana tacsi u diray madaxweynaha somaliland iyo dhamaan madaxda kala duwan ee somaliland.
↧
Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland oo si heer qaran ah loogu aasay Hargeysa oo uu saaka ku geeriyooday
↧