Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Faahfaahin dheeraad ah oo laga helayao wadahadalka dhexmaraya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland oo ku kulmaya dalka Turkiga

$
0
0

Dowladda Turkiga ayaa qaban qaabineysa wada hadalo maalmaha soosocda ku dhex mari doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inuu saacadaha soosocda ka ambabaxo magaalada muqdisho iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo haatan ku sugan dalka Turkiga, sida ay sheegayaan wararka wada hadalada labada dhinac ayaa ah kuwo qeyb ka ah wada hadaladii horay ugu dhex maray labada dhinac magaalooyinka  London iyo Dubai,ee dalalka Ingiriiska iyo Imaaraadka carabta  iyadoo wada hadalkan ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.
Sida warku sheegayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii hore doonayey inay wadahadaladaasi noqdaan kuwo heer wasiir ah ayaa la sheegay in dowladda turkigu ay ka codsatay labada dhina in xubnaha ka qeybgalaya wadahadaladani la gaarsiiyo heer madaxweyne waxaana lagu wadaa in wafdi uu hoggaaminayo madaxweynha soomaaliya ay saacadaha soo socda   u ambabaxaan dalka  Turkiga, si uu uga qeyb galo wada hadaladaas, iyadoo wafdiga Madaxweynaha ay qeyb ka noqon doonaan Wasiiro, Xildhibaano iyo rag siyaasiyiin ah.halka wafdigii Somaliland ay hadda ku sugan yihiin dalka Turkiga.
Sida warku sheegayo labada dhinac ayaa hadda aad u kala fog iyadoo ay jiraan arrimo siyaasadeed oo soo kala dhexgalay labada dhina intii aysan isarkiba ,waxaana ay ku doodayaan xubno katirsan wafdiga maamulka Somaliland uga qeybgalaya kulanka ka dhacaya dalka turkiga  ay ku doodayaan in madaxweynaha  soomaaliya uu awooda dheeraad ah isticmaalayo,islamarkaasna uu faraha la soogalay sida ay yiraahdeen arrimo gaar u ah Somaliland sida ay yiraahdeen.
Dhinaca kale waxaa jira farqi iyo aragtiyo kala duwan oo u dhexeeya labada dhina kuwaas oo mid waliba uu si gaar ah wax u doonayo,iyadoo midkoodna uusan dooneynin inuu hadda tanaasulo,ama uu ka soo dego halka uu saaran yahay,taas oo khasbeysa in kulamada u dhexeeya labada dhinac ay yaraato natiijooyin deg deg ah oo laga fisho inay gaaraan, waxyaabaha labada dhinac isku maandiidsan yihiin ayaa la sheegay inay uga waaweyn yihiin sida loo wajahayo arrimaha siyaasadda oo dhinaca soomaaliland ay ku adagtahay inay wax gor gortan siyaasadeed ah inay galaan xilliga sababo lagu sheegay inaysan ka iibinkarin dadka Somaliland  arrimo siyaasadda la xiriir
Si kastaba ha ahaatee dowladda Turkiga oo dhowaan iclaamisay shirka ay u qabaneyso labada dhinac ayaa noqonaya kii u horeeyay oo fool ka fool ah oo labada dhinac dhex mara, tan iyo markii la soo dhisay dowladda cusub ee Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>