Shir labadii cisho ee ugfu dambeeyey Waddanka Ingiriiska Caasimaddiisa London uga socday Waddamada la isku yidhaahdo G8-ka ee ugu horeeya dhinaca Wershadaha, ayaa shalay lagu soo geba gabeeyey London, iyada oo War-murtiyeed laga soo saaray waxyaabihii ugu muhiimsanaa shirkaasi ee lagu qaadaa dhigay.
Waddaamadan G8-ka loo yaqaanno oo kala ah, Mareynkanka, Ruushka, Japan, Kanada, Fransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo wadanka Ingiriiska,ayaa waxa la isku yidhaahdaa Waddamada G8-ka, ayaa intii uu socday waxa lagag hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin waddaamada ay dagaaladu aafeeyeen iyo sidii wax loo tarilahaa, iyada oo diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Tacadiga kufsiga iyo arrimo kale.
HARGEYSA SOMALILAND
↧
Waddamadda G8-Ka Oo Go’aamo Ka Soo Saaray Shir Ay Ku Yeesheen Magaalada London Iyo Waxyaabaha Ugu Mihiimsanaaa.
↧