Muqdisho (Sh.M.Network) Siyaasiyiintaan iyo Waxgaradkaan Ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in dowladda Kenya ay Kala hadasho Joojinta Fara Gelinta ay ku Heyso Gobollada Jubbooyinka.
Nabadoon Max’ed Ismaaciil oo ka mid ah Nabadoonada Ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Soomaaliya waxa uu Ka Codsaday in Kenya ay kala hadasho in ay Faraha kala Baxdo arrimaha Jubbooyinka.
Nabadoonka ayaa Carabka ku dhuftay in Shacabka Jubbooyinka ay u afduubanyihiin Dowladda Kenya dowladda Soomaaliyana Looga baahanyahay in ay Go’aan kama dambeys ah ka gaarto arrimaha Jubbooyinka.
Sikastaba ha ahaatee Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa dhowr Jeer Dowladda Kenya ku eedeeyay in ay Colaad Ka hurineyso Gobollada Jubbooyinka ee Koofurta Soomaaliya.
↧
Waxgarad dowladda Ka dalbaday in Kenya ay kala hadasho in ay Fara Gelinta Ka deyso Jubbooyinka
↧