Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Xildhibaano Dowladda Norway Ku eedeeyay in ay dano Gaar ah Ka Leedahay Biyaha Soomaaliya

$
0
0

Mogadishu (sh.M.Network ) Kadib Kulan ay isugu Yimaadeen in kabadan 50 Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa waxa ay Xildhibaanadu ay diiradda ku saareen Xaaladda Gobollada Jubbooyinka.
Mudanayaasha ayaa soo Bandhigay Qorsho ay sheegeen in ay Wadato Dowladda Norway Kaasi oo ku aadan Xeebta Magaalada Kismaayo qorshahaas oo ay Horay u fashiliyeen Xildhibaanadii KMG ahaa ee Waqtigoodu uu dhamaaday.
Xildhibaanada Kulankaani yeeshay ayaa sheegay in Goor dhow La doonayo in Baarlamaanka La Horkeeno qorsho ay waddo dowladda Norway kaasi oo ay ku dooneyso in Baarlamaanku uu Ansixiyo Damaceeda ku aadan Badda Soomaaliya ee Soohdimaha Laleh Kenya.
Xildhibaan C/qaadir Max’ed Aadan Sandheere oo Kulankaasi ka hadlay ayaa Sharaxaad Ka bixiyay Qorshaha Norway ee Kismaayo.
“ Anigu Xildhibaan baan ahay waxa aan Rabo Ma sheegayo ee Xaqiiq baan taabanayaa  Dowladda Norway Dan weyn bey Ka leedahay Soomaaliya ,Baarlamaanka ayaana la rabaa in ay u fudu deeyaan danahaasi marka waa in xildhibaanadu taa Ka feejignaadaan” Sidaasi waxaa Yiri Xildhibaan C/qaadir Max’ed Aadan Sandheere oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Cumar Max’ed  max’ud ( Cumar Finish ) oo isna Kulankaasi ka qeyb galay ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in aan Loo baahneen in Xilligaan Soomaaliya ay ku dagaalanto dano shisheeye Sida uu hadalka u dhigay.
Sikastaba ha ahaatee Xildhibaanadaani ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee soo bandhigay damaca Dowladda Norway ee Ku aadan Biyaha Soomaaliya ayaa horay waxaa u qaadacay qorshahaasi Baarlamaankii KMG ahaa ee Waqtigiisu uu dhamaaday iyadoona ay Xusid Mudantahay in haatan dalka Norway uu ku suganyahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Max’ed Sheikh Cismaan Jawaari iyo Tiro Xildhibaano ah oo Ku wehliya Safarkiisa .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>