Muqdisho Vs Hargeysa (Sh.M.Network ) Dadka ka soo Kala Jeeda Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya ayaa waxa ay aragtiyo kala duwan ka kala Bixiyeen Heshiiska ay gaareen Soomaaliya iyo Maamulka isku Magacaabay Soomaaliland.
Xilli dalka Turkiga uu ka dhacay Kulan ay wada qaateen Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Maamulka Soomaaliland ayaa heshiiska Labada dhinac ay gaareen waxaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay Waxgarad ka soo Kala Jeeda Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya.
Boqor Cabdi Boqor Axmed Cabdi ayaa waxa uu sheegay in shirkaasi aanu wax Macno ah ugu fadhin Shacabka Ka soo Jeeda Waqooyiga isagoo Hoosta Ka Xariiqay in Xilligaan aan Loo Baahneen in Shirkaasi uu Qabsoomo.
Boqor Cabdi Boqor Axmed ayaa Sidoo kale waxa uu Tibaaxay in ay tahay Waaajib Muqadas ah Jiritaanka Qaranimada Soomaaliland isagoo intaasi ku daray in Loo baahanyahay in La dhaqan Geliyo Wada hadalka Labada dhinac kahor aragti ay soo Jeediyeen Axsaabta Siyaasadeed ee Soomaaliland oo ku aadan in La Suro Calanka Soomaaliland.
Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo dhankiisa wax Laga weydiiyay sida uu arko shirka Ankara ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhaweenayo wada hadalladaasi isagoo tibaaxay in shacabka Soomaaliland ay ka tirsanayaan Walaalahooda Koofureed dhibaato ay u geysteen Masuuliyiintii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaana uu ku baaqay in wada hadalladaasi aan Lagu saleynin Xad Gudub ay horay U geysteen Nidaam bur buray sida uu hadalka u dhigay.
Sikastaba aragtiyadaan kala duwan ee ay kakala bixiyeen waxgaradka Labada dhinac ee Koofurta iyo Waqooyiga ayaa imaanaya Xilli Shir dowladda Soomaaliya iyo Maamulka La Magac baxay Soomaaliland Wajigiisa Hore uu ka dhacay Magaalada Ankara ee Caasimadda Waddanka Turkiga.
↧
Waxgaradka Ka soo kala Jeeda Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya oo Siyaabo kala duwan uga hadlay Heshiiskii Ankara
↧