Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Agaasimihii Hore ee Nabad Sugida oo sheegay in ay Jiraan Dal daloolyo dhinaca Amniga ah

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Dowladda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ay Jiraan dal daloolyo dhinaca Ammaanka ah isagoo dhinaca kalana Ku baaqay in aan  la dheyilsan Digniinaha ka imaanayo dalalka Caalamka ee Ku aadan in ay Jiri karaan weeraro ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Axmed Macallin Fiqi waxa uu sheegay in haddii La tix geliyo Digniinaha Caalamiga ah Laga hortagi Lahaa qatarro badan isagoo Carabka ku dhuftay in ay Jiraan dal daloolyo dhinaca Ammaanka ah Kadib Markii Shalay weeraro lagu qaaday qeybo ka mid ah Xarumaha ugu waaweyn dowladda Soomaaliya Gaar ahaan Xarunta ay degenaayeen Maxkamadaha Dowladda Soomaaliya.
Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaani ay bdhiira Gelineyso Ururka Al Shabaab islamarkaana ay ku kici karaan falal Ceynkaan oo kala ah sidaa Daraadeed Loo baahanyahay Feejignaan dheeri ah.
Weeraradii shalay ayaa ku soo beegmay Xilli Masuuliyiin Badan oo Hey’adaha dowladda ka tirsan ay sheegeen in Ammaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid Gebi ahaan La isku halleyn  karo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>