Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dhageyso: Puntland oo cambaaraysay weeraradii qaraxyada ee shalay ka dhacay Muqdisho.

$
0
0

Dowladda Puntland ayaa cambaareysay weeraradii ismiidaaminta iyo qaraxyada ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho , kaasi oo ay kudhinteen inka badan 20- qof sidoo kalena ay ku dhaawacmeen inka badan
badan 40- qof oo dhamaantood ahaa shacab iyo saraakiil katirsan Garsoorka qaranka ee Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa sheegaywarsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada dowladda Puntland inay tacsi
ugu dareen dadkii ku dhintay weeraradii qaraxyada ee lagu qaadaymaxkamadda gobolka Banaadir.
Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda Puntland qaraxyadaasi u aragto mid qeyb ka ah laynta dadka indhaha u ah bulshada.
Gaashaan wuxuu sheegay inaan la dhayalsan karin digniinaha ay bixinayaan dowladaha reer galebeedka oo ay ugu dambaysay dowladda Ingiriiska.
Dowladda Britin ayaa dhawaan ka digtay weeraro argigixiso ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho muwaadineenteeda ugu baaqday inay isagoo baxaan Muqdisho iyo deegaanada ku dhow.
Waxaana xusid mudan in qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ay ku dhinteen muwaadaniin u dhashay dalka Turkiga.
Halkaan ka dhageyso codka wasiirka.
Buraammews.com- Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>