Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dowladda Talyaaniga oo Cambaareysay Qaraxyada Axadii ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Rome  (Sh.M.Network ) Ra’isal Wasaaraha ahna Siihayayaha Xilka Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Talyaaniha  Mario Monti, ayaa Cambaareeyay Weeraradii Is Xig Xigay ee Axaddii Ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Mr Monti ayaa Tacsi U diray Ehellada dadkii Ku dhintay Qaraxyadii iyo Weeraradii ka dhacay Dhismaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaaana uu u Rajeeyay Kuwa ku dhaawacmya Weeraradaasi Caafimaad deg deg ah.
Ra’isal Wasaaraha Talyaaniga ayaa waxa uu Ku Cel Celiyay in Talyaaniga ay Ka go’antahay in uu ku taageero dowladda Soomaaliyeed dagaalka Lagula Jiro Ururka Al Shabaab.
“ Marka Laga soot ago falalka Nuucaani oo kala ah Waxaan qirayaa in Masuuliyiinta Soomaaliyeed ay Awood u yeelan doonaan in ay sii wadaan sugidda Ammaanka iyo Ladagaalanka Al Shabaab islamarkaana Talyaaniga uu ku gacansiin doono” ayaa Yiri Ra’isal Wasaaraha Talyaaniga.
Maalinimadii Axadda ee Aan ka soo Gudubnay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Weeraro qaraxyo ah kuwaasi oo Gallaaftay Nolosha dad badan islamarkaana waxyeello u Geystay tiro kale oo intaasi ka badan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>