Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Militariga Kenya oo Shacabka ku Nool Afgooye, Marka iyo Baraawe Digniin u soo Jeediyey

$
0
0

Nairobi (RBC) Afhayeen u hadlay militariga Kenya ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in diyaaradaha Kenya ay bilaabayaan duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka geysanayaan magaalooyin ku yaalla koonfurta Soomaaliya.
Colonel Cyrus Oguna oo ah madaxa hawlgalada iyo xogta ee militariga Kenya ayaa sheegay in meelaha ay beegsan doonaan ay ka mid tahay Afgooye, Marka iyo Baraawe oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
“Waxaan diyaarineynaa duqeyn aan la beegsano xarumaha ay Al-Shabaab ku leeyihiin magaalooyinkaasi” ayuu yiri Colonel Cyrus Oguna oo intaa ku daray in ay beegsanayaan xarumaha ciidamada Al-Shabaab.
“Waxaan uga digeynaa shacabka ku nool meelaha u dhow xarumaha Al-Shabaab inay ka fogaadaan meelahaasi waayo waxaan diyaarineynaa qaab sharci ah” ayuu yiri.
Afhayeenkan ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntan dhanka hawada ay socon doonto illaa inta laga burburinayo Al-Shabaab.
Militariga Kenya ayaa saddex bilood ku jira gudaha Soomaaliya iyagoo sheegay inay dagaal kula jiraan ururka Al-Shabaab, hase yeeshee waxay illaa hadda awoodi la’ yihiin inay sheegaan guusha ay ka gaareen dagaalka. Dhowr jeer oo ay duqeymo ka geysteen deegaano kala duwan waxay sababtay in dad rayid ah ay ku dhintaan.
Bishii hore ayey militariga Kenya ku dhawaaqeen inay duqeynayaan 10 magaalo oo Al-Shabaab ay maamulaan.
RBC Radio
Xafiiska wararka Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>