Axmed wuu baqayaa. Wuxuu ka soo baxsaday al shabaabka aan la jecelayn. Kuma soo laaban karo gurigiisa Finland meel kale oo uu aadaahina kama dambeyso.
Axmed horay ayuu u baxsaday isagoo ka soo baxsaday dagaaladi sokeeye ee Soomaaliya halakeeyay wuxuuna u soo baxsaday Finland isagoo 8 sano jir. Wuxuu helay ogolaanshiyaha joogitaanka wuxuuna waxbarasho ka bilaabay Helsinki.
Sida soomaali badan oo dhalinyaro ah ay qabaan oo kale Axmed uma fududaan in uu ku dhex noolaado laba dhaqan.
Axmed wuxuu Nayroobi ugu sheegay Weriye Weli Hashi sidan ;
- Markii aan da’yaraa, arrimuhu waa u shaqeyn waayeen si wannaagsan. Waalidku waxay aad isugu dayeen oo nafta agdhigeen inaan waxbarto laakiin arrintu sidii hooyo iyo aabo ay doonayeen waa noqon weysay. Kadibna waxaan u iishay inaan la socdo dhalinyaro kale.
Axmed waxaa loogu gacan-haatiyay in uu koox wacdiyayaal ah uu Soomaaliya ula socdaalo. Waxaý isaga la aheyd in Soomaaliya uu aadayo caawinta carruurta baahi la ildaran. Hadda wuxuu ka baxsanayaa argagixisada.
Kuwa wax ciidameeya waxay isu ekeysiiyaan wacdiyayaal badbaado iyo nasteexo u fidiya dhalinayarada xaaladdu ku cakiran tahay. Waxay noqon karaan dadkii ugu horeeyay ee sanado u muujiyay inay daryeelayaan da’yarka. Waxaa kale oo lagu dabaa carruurta maal.
- Abidkay ma arag dad lamid ah oo i dhegeysanaya islamarkaasna i siinaya wax kasta, Waxay ii iibiyeen dhar waxayna i siiyeen lacag badan. Sidaas waxaa ku hadaaqay Axmed
Ciidan qorayaashi u muuqday kuwa naxariis badan waxay ku guuleysteen inay hantaan kalsoonida Axmed. Markii ugu horeysay waxaa loogu gacanhaatiyay in uu wacdiyayaal u raaco safar Yurub ah oo ka bilowday Sweden, Danmark kadibna London. Axmed wuxuu dareemay in uu helay asxaab cusub. Markii ugu horeysay noloshiisa ayuu dareemay in la maqlayo.
Markii saaxibadiisi cusbaa ay aadayeen Soomaaliya si ay u caawiyaan carruur baahi la ildaran, Axmedna wuxuu ku biiray caawimaaddii. Waxay aheyd qaladkii ugu xumaa noloshiisa.
- Waxaan aadnay Soomaaliya, laakiin ma arag wax ay qeybinayeen. Markii aan Soomaaliya nimid waxaa aniga la i tusay dhalinyaro badan, waxay igu yiraahdeen ”waxa dhalinyaradaas sameeyaan ayaad adiguna sameyneysaa”.
Ahmed waxaa la geeyay xero tababareed ay ka buuxeen dhalinayaro badan oo lugaha ka katiineysay. Axmed waxaa u cadaatay in isagana lala rabo in uu argagixiye noqdo.
Sheekada Ahmed waxay tilmaameysaa sida dhabta ah ee dagaalka Soomaaliya uu u saameynayo Finland. Sidoo kale waxay sheegeysaa carada iyo argagaxa ka dhalanaya da’yarta faquuqan ee labo dhaqan ku dhexdhuntay.
Si kastoo ay ahaataba aqristoow adiga iyo barnaamijka wiilkaas uu ka sameeyay Weli Hashi, saxafiga Soomaaliyeed ee telefishinka YLE aan idiin kala baxo ee daawasho wacan.
Cinwaanka hoose guji si aad u daawado barnaamijkaas oo ay dadkii daawaday qaarkood ku sifeeyeen mid argagax, dhakafaar iyo dhabanahays dhalinaya: