Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo wax laga xumaado ku tilmaamay falkii shalay ka dhacay Caynaba

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Caynaba ee dablayda hubaysan ku qaaday Jeelka Magaaladaasi.
Kusimaha Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu falkaasi ku tilmaamay mid dhaawacaya degenaanshiyaha iyo amaanka wadanka  “Falkaa aadbaan uga tacsiyadeynayaa  shacbiga Somaliland waanan  cambaareynayaa, cidii ku dhimatayna  waxaan leeyahay  ILLAHAY naxariistii Janada ha ka waraabiyo, dadkii ay ka dhinteena samir iyo Iiman haka siiyo, falkaasi wuxuu ahaa mid fool xun oo aan sumcadda reer Somaliland u wanaagsanayn, waana meel ka dhac in koox dablay ahi soo weerarto Xabsigii dhamaa ee Magaalada ee dadka lagu xidhayay”.ayuu yidhi isagoo la hadlay Warbaahinta Dawlada., Waxaan leeyahay dadkii falkaa geystay Ilaahay u toobad keena, xukuumadduna waxay ku dedalaysaa inay sharciga horkeento dadkii ka dambeeyay “.
 
Hargfeysa Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>