Baladweyne (Sh.M.Network) Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Dhawaan Gobolkaasi ay Ka Howl Gali doonaan Ciidamo si gaar ah u Xaqiijiya Ammaanka Gobolkaasi.
Guddoomiye Ku Xigeenka dhinaca Ammaanka ee Gobolka Hiiraan Max’ed Ibraahim C/Kariin oo Wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho isagoo Ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxa uu Faah faahin ka bixiyay qorshayaal Lagu Xaqiijinayo Ammaanka Magaalada Baladweyne iyo Guud ahaanba Gobolka Hiiraan oo wax Looga qabanayo Ammaankaasi kaasi oo ay wadaan Saraakiisha iyo Masuuliyiinta Dowladda ee Gobolkaasi.
Max’ed Ibraahim C/Kariin waxa uu intaasi kudaray in La diyaariyay Ciidamo Gaar ah oo Taba bar ugu soo Idlaaday Gobolka Hiiraan kuwaasi oo ay U soo Gaba Gabeeyeen Ciidanka AMISOM Gaar ahaan Kuwa Jabuuti ee Ku sugan Magaalada Baladweyne.
Shalay ayey ahayd Markii Guddoomiye Ku Xigeenka dhanka Amniga ee Gobolka hiiraan uu Gaaray Magaalada Baladweyne Kaasi oo waxgarad halkaasi kusoo dhaweeyay u sheegay in dhawaan isbedel laga Dareemi doono Ammaanka Gobolka.
↧
Ciidamo Ammaanka Hiiraan Suga oo La diyaariyay
↧