Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Ganacsato dowladda Ka dalbaday in Dhul uu Ka Boobay Gobornatooraha Gobolka Banaadir Loo soo Celiyo

$
0
0

Muqdisho  (Sh.M.Network) Ganacsatadani oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegay in ay yihiin Guddiyo Ganacsatadii Hore ee Bacadlaha Degmada X/Weyne Sameysteen oo Tan iyo dowladdii Dhexe soo shaqeenayay islamarkaana u soo Joogay Marxalidihii Kala duwanaa ee uu soo Maray iyagoo shaca ka qaaday in inkabadan 900 oo Ganacsatada Bacadlahaasi ah ay Maanta Banaanada seeg seeg wax ay ugu yeereen Yihiin oo aanu heysan Meelo ay ku ganacsadaan Markii Xarumahoodii Xoog iyo Maquunin Loo adeegsaday ee Lacago sharci darro ah Lagu Kireenayo.
Xasan Nuur Sabriye oo ka mid ah Ganacsatadaasi oo Lahadlay Warbaahinta ayaa sharaxaad dheer Ka bixiyay Maraxalidihii Bacadlaha uu soo Maray iyo Haatan Marxaladda uu ku sugan yahay isagoo Carabka ku dhuftay in Loo baahanyahay in dowladda Soomaaliya ay Xaqooda u soo dhiciso islamarkaana Hantidooda Maguurtada ah loo soo celiyo.
Dhanka kale Max’ed Xool Wardheere oo ka mid ah Ganacsatadaasi kana hadlay Kulanka ayaa beeniyay Guddi La sheegay in ay ka tirsan yihiin Ganacsatada Bacadlaha kuwaasi oo iibinaya sida La sheegay Bacadlaha Degmada X/Weyne.
Ugu dambeyn Ganacsatadaani ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan in dad Boosaskooda iyo dhul ay Malkiyad ahaan u leeyihiin uu ku iibinayo Lacago 2000 oo dollar ah taasi oo uu ku tilmaamay Musuq Maasuq iyo ku tagri fal awooda dowladda Soomaaliyeed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>