Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Olo Ola Iskaa Wax Uqabsa Ah Oo Ka Bilaawday Galkacyo

$
0
0


Dowladda Hoose ee galkacyo oo kaa shanaysa Qaybaha Bulshada ayaa biloowday olo ola nadaafadeed oo looga gol leeyahay in lagu hagaajiyo wadooyinka Waqooyiga Galkacyo oo roobabkii dhawaan ka da’ay Gobalka Mudug ay dhigeen biyo aad ufara badan
Wada laamiga ah ee marta Bartmaha Galkacyo ayaa saakay laga bilaabay olo ola qashinka looga qaadayo iyadoo lagu arkayay haween farabadan oo wata Badeelo Iskoobayaal ay ku qaadayaan qashinka iyo Gawaarida Dowladda Hoose ee Galkacyo
Howshaan ola olaha Nadaafadda ayaa ah kuwa looga gol leeyahay hagaajinta Jidadka Galkacyo iyadoo Maamulka Degmada Galkacyo ay horay ubalan qaadeen soocelinta Bilicda Magaalada
Qaar kamid ah Haweenkii maantay ku howlanaa Nadaafadda Galkacyo ayaa warbaahinta waxa ay usheegeen in ay udiyaarsanyihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Naadifinta Magaalada oo biyuhu ay ku reebeen raadad wasaqeed isla markaana ay si iskaa wax uqabsa ah ay ugu shaqaynayaan diyaarna uyihiin waqti walba oo loo baahdo
Wixii ka dambeeyay markii ay roobabkii Gu’ga ahaa ay ka de’een Galkacyo waa markii ugu horeysay oo Olo ola nadaafadeed laga bilaabo iyadoo Dowladda Hoose ay sheegtay in aysan jirin wax kaalma ah oo ay kaheleen Hay’adaha Gobalka Kusugan
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>