Qaar ka mid Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Soomaalida ee Waqooyi bari dalka Kenya ayaa ugu baaqay dowladda cusub ee dalka Kenya inay furto xuduudda u dhexaysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya si uu dib ugu soo noqdo ganacsigii u dhaxeeyay labada dhinac, isla markaasna dadka reer Kenya ay uga faa’idaan ganacsiga uga yimaada Soomaaliya.
Xildhibaanka cusub ee degmada Dhadhaab Maxmed Ducaale ayaa Wargeyska The Star cadadkiisa shalay u sheegay inuu ku dedaalayo sidii loo furi lahaa xuduuda u dhaxeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya si loo helo buu yiri isku socod rasmi ah, isla markaasina ay uga gudbaan qaxootiga doonaya inay dalka Soomaaliya dib ugu laabtaan.
“Xuduuda waxaa la xiray ka dib markii Al-qaacida iyo Al-shabaab isku dayeen inay qasaan dalka Kenya, balse hadda waxaan ognahay in khatartaas yaraaneyso, sidaas darteed dowladda Kenya waxaan ka codsanyaa inay dedejiso furtaanka xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto, isla markaasna dowladda Soomaaliya ay ka gacansiiso sugidda amniga gudaha dalkeeda” ayuu hadalkiisa ku yiri Xildhibaanka Ducaale.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xiritaanka xadka Soomaaliya iyo Kenya sidoo kale ganacsiga uu saameyn weyn ku yeeshay, iyadoo haatan la waayey dalka Kenya Sonkor iyo qalab dhisme oo si raqiis ah uga imaan jiray dhinaca Soomaaliya, kuwaas oo la geyn jiray guud ahaan gobolka W/bari ee dalka Kenya.
Hadalka Xildhibaan Maxamed Ducaale ayaa ku soo beegmaya ka dib markii dhawaan howlgalo ciidan oo xoog badan laga fuliyey degmada Gaarisa oo marar kala duwan lagu beegsaday ciidamada iyo dadka shacabka Kenyanka, iyadoo howlagaladii ugu dambeeyey lagu qabtay dad farbadan oo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.
↧
Xildhibaanada Kenya oo dowladda dalkooda ka codsaday inay furto xadka ay la wadaagaan Soomaaliya
↧