Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay waddooyinka Muqdisho ee maalintii labaad xiran iyo ujeedada loo xiray

$
0
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ujeedka howlgalada Ballaaran ee ka soconaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/shakuur Cali Mire ayaa sheegay in howlgalada Muqdisho ka socday inay la xiriiraan xoojinta amniga caasimada Muqdisho.
C/shakuur ayaa sheegay in qodobka koowaad ee ahmiyadda dowladda Soomaaliya uu yahay amniga dalka sidaa darteedne ay wadaan dadaalo badan oo ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,wuxuuna sheegay in hawlgaladu ay soconayaan waqti uusan cayimin.
Wasiir ku xigeenka ayaa mar la weydiiyey saamaynta iyo dhibaatada  ay hawlgaladani ku yeesheen bulshada waxa ay ka yeelayaan ayuu  sheegay in dowladu ay wax kasta oo caqab ku noqonaya habsami u socodka hawlaha ganacsiga iyo adeegyada kale ee bulshada ay xal u raadineyso,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in ujeedka hawlgalku uusan ahayn in shacabka lagu dhibaateeyo balse ay dowladu dooneyso iney sugto amniga mawaadiniinta Soomaaliyeeed.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta  ayaan meesha ka saarin in dowladdu ay ka war heshay warar sheegaya in alshabaab ay dhibaato ka geysan rabaan gudaha Muqdisho,wuxuuna daboolka ka qaaday in ciidamada amaanka dowladu ay xili walba heegan u yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraro ay suurta gal tahay in alshabaab ay Muqdisho ka fuliyaan, wuxuuna sheegay in howlgalka uu socon doono illaa iyo inta amniga laga sugayo, dadka warka sheegaya ee leh labo maalin ayey xiranyihiin waddooyinka ay yihiin kuwo nabadda ka so horjeeda sida uu yiri.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>