Waxaa dib u furmay wadoyinkii magaalada Muqdisho ee xirnaa maalmihii tegay daqiiqada uun kadib markii madaxweyne Xassan Sheekh uu dalka ku soo laabtay maalin kadib markii Addis Ababab uu uga qeyb galay shirkii IGDA.
Wadooyinka ayaa waxaa lagu arkayaa gaadiidka oo maraya iyada oo furitaanku uu ahaa mid shacabku aad u sugayeen.
Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa waxa ay xirnaayeen afar maalin oo xariir ah iyada oo madaxweynaha dalka oo baarlamaanka ka hor hadlayay uu sheegay in ay aheyd arin looga hor tegayay falal argagaxiso
Shacabka Muqdisho ayaa soo dhaweeyay wadooyinka furmay iyada oo intii ay xirnaayeen lagu qabay dhibato aad u balaaran.
Dhanka kale, waxaa xiran wadooyinka gala deegmada Deyniille oo lagu wado in madaxeynuhu uu socdal ku tago.
Hadii uu madaxweynuhu uu socdaalkaasi ku gaaro Deyniille waxa ay noqoneysa markiisii igu horeeyay ee uu booqdo degmada tan iyo markii uu xilka qabtay oo laga joogo ku dhawaad sideeed bilood.
↧
Waddooyinka Muqdisho oo maanta dib loo furay ka dib markii…
↧