Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Madaxweynaha Somaliland oo soo dhoweeyay wada hadalo ay la galaan Dowladda Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan wada hadalo ay la galaan dowladda Soomaaliya, kadib markii dhowaan uu ka qeyb galay shirkii London.
War murtiyeedkii 26-ka qodob ahaa ee ka soo baxay shirka London ayaa dhigayay inay wada hadlaan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo raadinaya in loo aqoonsado dowlad madax banaan.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal dhex mara iyaga iyo dowladda Soomaaliya, ha yeeshee waxaa uu xusay in sidii labo dowladood oo kale u wada hadlayaan.
“Waan soo dhoweyneynaa wada hadalo na dhex mara, laakiin waxaan u wada hadleynaa sida labo dowladood oo kale”ayuu yiri Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa dhowaan sheegay inay soo dhoweynayaan wada hadal dhex mara iyaga iyo Somaliland, isagoo ku ammaanay horumarada ay sameeyeen.
Somaliland ayaa horay ugu dhawaaqday inay tahay dal si gooni uga go’ay Soomaaliya, iyadoo cadeysay in aanay wax gor-gortan ah geli doonin madax banaanidooda oo ay dib ula soo laabteen.
Dowladaha reer galbeedka ayaa wali ku cadaadinaya in Somaliland noqoto maamul ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo dhowaan ay ku fashilantay isku day ay ku dooneysay in caalamka ay u aqoonsadaan dal madax banaan.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>