Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Siilaanyo”Aad ayaan usoo dhoweynayaa wadahadal aanu la galno DKMG iyo Soomalida inteeda kale”

$
0
0

Hargeysa-hobyonet)Iyadoo dhowaan magaalada London lagu qabtey shirkii wada hadalada ee Soomaalida, halkaasi oo uu ka soo baxay war-murtiyeed 26 qodob ka koobnaa, oo ay ku jirtey in wadahadalo ay galaan DKMG iyo Maamulada Goonida isu taagay, ayaa waxaa iminka saxafadda u sheegay inay arinkaasi soo dhoweynayaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal dhex mara iyaga iyo dowladda Soomaaliya, ha yeeshee waxaa uu xusay in sidii labo dowladood oo kale u wada hadlayaan.
“Waan soo dhoweyneynaa wada hadalo na dhex mara, laakiin waxaan u wada hadleynaa sida labo dowladood oo kale”ayuu yiri Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa dhowaan sheegay inay soo dhoweynayaan wada hadal dhex mara iyaga iyo Somaliland, isagoo ku ammaanay horumarada ay sameeyeen.
Somaliland ayaa horay ugu dhawaaqday inay tahay dal si gooni uga go’ay Soomaaliya, iyadoo cadeysay in aanay wax gor-gortan ah geli doonin madax banaanidooda oo ay dib ula soo laabteen.
Dowladaha reer galbeedka ayaa wali ku cadaadinaya in Somaliland noqoto maamul ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo dhowaan ay ku fashilantay isku day ay ku dooneysay in caalamka ay u aqoonsadaan dal madax banaan.
www.hobyonet.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>