Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

QaramadMidoobay oo dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay dib u habeyn ku sameyso garsoorka iyo…

$
0
0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon oo ka qeybgalaya shirka Ticad ee horumartinta qaaradda Afrika oo ka socda magaalada Yokolohama ee dalka Jabaan ayaa ku booriyey beesha caalamka inay xoojiyaan qorshaha nabad raadinta Soomaaliya, si loo abuuro deegaan soo jiita dalxiisayaasha iyo dimuqraadiyad ka dhalata Soomaaliya sida uu yiri, wuxuuna intaasi ku daray in loo baahanyahay in la xoojiyo awoodda shacabka si ay uga qeybqaataan dib u dhiska dalkooda, sidoo kalena dowladda Soomaaliya lagala shaqeeyo sidii ay ammaanka u sugi laheyd.
Mr. Moon wuxuu sheegay in loo baahanyahay in marka hore laga shaqeeyo nabadda dalka Soomaaliya iyo arrimaha dib u hishiisiinta shacabka Soomaaliyeed si buu yiri ay u sahlanaato maalgashi lagu sameeyo Soomaaliya, wuxuuna xusay in beesha caalamka xilligan ay daneynayso inay ka shaqeyo xasilinta amaanka dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dhinacyada Soomaalida laga doonayo ka shaqeynta amaanka dalkooda.
“Soomaaliya dhinacyo badan ayey taageero uga baahantahay, marka waa in xoog badan la geliyaa dedajinta nabadeynta Soomaaliya, si ay u soo jiidato indhaha maalgashadayaasha caalamka, loona helo dhul nabad oo maalgashi lagu sameyn karo” ayuu ka yiri Banko Moon shirka dalka Jabaan.
Mar uu ka hadlayey xiisadda ka taagan magaalada Kismaayo ayuu sheegay inay tahay mid u baahan wadahadal dhexmara dadka deegaannadaas ku nool si loo xoojiyo wada-noolaasho dhexmarta iyo in laga hirgeliyo sharciga iyo kala dambeynta, wuxuuna yiri “Dib u habeynta garsoorka, hagaajinta kaabayaasha bulshada iyo xoojinta awoodda dadweynaha, iyadoo tababaro la siinayo waa arrimaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya u baahantahay maanta, Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa kaalmada ay siiso Soomaaliya si loo xaqiijiyo dhaqaalaha bulshada iyo tiirarka siyaasadda si loo helo deegaan ku haboon bulaalidda ganacsiga, lana soo afjaro colaadaha si ay dadku awood ugu yeeshaan inay kobciyaan noloshooda”.
Dhinaca kale Ra’isul wasaaraha Jabaan Shinzo Abe oo isna shirka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay in xeebaha Soomaaliya laga ciribtiro burcad badeeda si dalka uu noqdo mid hela xasillooni iyo degaansho horumar leh, wuxuuna yiri “Waxaan ku talinayaa in si dhaqso ah loo horumariyo nolosha shacabka Soomaaliyeed iyadoo loo marayo tababaro, sida dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo dib u dhiska kaabayaasha bulshada”.
Ugu dambeytii Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo isaguna hadal ka jeediyay shirka ayaa ugu baaqay qurbo-joogta Soomaaliya inay dib ugu laabtaan dalkooda, ayna ka qeybqataan dib u dhiska dalkooda, isagoo xusay in dowladda Kenya, dowladda Soomaaliya iyo hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ay qeyb ka qaadanayaan sidii qoxootiga Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa dalkooda.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles