Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Madaxweynaha Maamulka Ximin Iyo Xeeb Oo Cadaado Tagay Bulshadana Ubaaqay

$
0
0

 
 
Madaxweynaha uu xilka ka sii dhammaanaya ee maamulka Ximan iyo Xeeb ee bartamaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Aadan (Tiicey) ayaa dib ugu laabtay degmada Cadaado ee xarunta maamulka
Madaxweyne Tiiceey  ayaa ka warbixiyay kulamo uu muddo siddeed maalmood uu Muqdisho kula lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimadda waxa uu sheegay in bulshada Muqdisho uu kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen goob joogna uga noqon lahaayeen doorashada maamulka oo dhowaan dhacayso.
Waxa uu tilmaamay in la doortay guddi 21 xubnood ka kooban kaas oo isha ku hayn doona qaabka ay u dhacayaan doorashooyinka isla markaana ay soo agaasimi doonaan doorashada.
Maxamed Cabulaahi ayaa Dadka ku dhaqan deegaannada uu maamulka Ximan iyo Xeeb uu ka arimiyo ayuu ugu baaqay in ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan nabadgelyada si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanco.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>