Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo ka mid ah xildhibaannada
Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo in muddo ah u xirnaa ciidamada dowladda
Itoobiya ayaa la sheegay in la sii daayay.
Xildhibaanka oo muddo ka badan 3-bilood xirnaa ayaa gelinkii dambe ee
shalay la sheegay, iyadoo aanay dowladda Itoobiya sheegin sababta ay u
heysteen xildhibaankaas oo muddo badan u xirnaa.
Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG Soomaaliya Maxamed Cabdi
Kaliil ayaa saxaafadda u sheegay in xildhibaan Hiiraale uu mar kale ku
soo biiray saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee gobolka Gedo dagaallada
ka dhanka ah Al-shabaab, haatanna uu sida uu yiri xor yahay,
howshiisiina dib u bilaabay.
Xildhibaanka oo kaliya ma ahayn xubnaha dowladda KMG Soomaaliya ka
tirsan ee u xiran dowladda Itoobiya oo waxaa jira saraakiil ka tirsan
Ciidamada dowladda iyo Mas’uuliyiin kale oo weli ku jira gacanta
ciidamada dowladda Itoobiya, kuwaasoo iyagoo aan lagala tashan dowladda
KMG Soomaaliya ay iska xirteen ciidamo Itoobiyaan ah.