Marka-(Sh.M.Network)-Qaraxyo Khasaaro isugu Jirta dhimasho Dhaawac geystay ayaa maanta Ciidamada Midowga Africa iyo kuwa Dowlada Federalka Soomaaliya lugula kala eegtay Deegaanka Kaxda ee Duleedka Magaalada Muqdisho iyo Degmada Marka ee Gobalka Shabeelada Hoose.
Dada Goob joogayaal ah oo ku sugan Dagmada Marka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in ku Dhawaad Shan qarax oo nuuca Bambaanada ah lagula eegtay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM deegaanno hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolaka Shabeelaha Hoose .
Goob Joogayaasha ayaa Shabelle u sheegay in Qaraxyadaan ay geysteen Dhimasho iyo Dhaawac hase ahaate si Dhab ah aan loo ogaan karin Xaddigga khasaaruhu la egyahay iyadoona dadka ay waxyeeleeyeen qaraxyadaasi ay ka mid yihiin dad Shacab ah oo ka ag dhawaa goobaha qaraxyadaasi ay ka dheceen.
Dadkaan Goob joogayaasha ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka billaabeen howl gallo Meelaha ay qaraxyadu ka dheceen.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Ammaanka ee Magaalada Marka Baarliin Cabdulaahi Maxamed ayaa Shabelle u Sheegtay in Ciidanka Dowladda ay Sameeyeen Howl galkaani ay ku baadi goobayaan Kooxihii ka dambeeyay Weeraradaani qaraxyo.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya Deegeenka kaxda ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagu weeraray Weerar qarax ah kuwaasi oo Rasaas xoogan furay kadib qaraxaasi.
Lama shaacin Khasaaraha Qaraxa iyo Rasaasta intaba ay geesteen hase ahaatee Weeraradaani ayaa imaanaya xilli Hay’adaha Ammaanka dowladda ay shaaciyeen in ay ka feejiganyihiin weeraro ay qorsheynayaan Ururka Al Shabaab.
↧
Qaraxyo Deegaanno ka kala tirsan Banaadir iyo Sh/hoose Maanta ka dhacay
↧