Sidda la ogsoonyahay waxa mudooyonkan danbe soo ifbaxayay in dalka loo doonayay cid maalgashata oo gacan ka gaysata sidii Somaliland horumarkeeda kor loogu qaadi lahaa,laakiin xukuumada Somaliland ma sameysay shuruucdii looga baahnaa ee maalgashiga ,waxaana hadaba baryahan danbe isa soo tarayay in la doonayo in la maalgashado warshada sibidhka ee berbera taas oo aay doonayaan ganacsato reer Somaliland ah ,laakiin carqalado ayaa ka horyimid,oo aay sabab u tahay dawlada talada haysaa oo aan ilaa iminka diyaarin shuruucdii maalgashiga iyo kala xadayntii ganacsiga,sidaa daraadeed waxaynu wada ogsoonay in sharcigu yahay furaha aay aamini karaan cidkasta oo doonaysa in aay dalkan maalgashato,isla markaana damaanad qaadi kara xuquuqda aay leeyihiin.
1: maalgashadaha, degaanka laga hirgalinayo,dawlada dhexe ee masuulka ka ah dalka,iyo waliba shaqaalaha ka hawlgalaya mashruucaasi,hadaba hadaynu usoo daadegno nuxurka maqaalkaygan waxa iswaydiinle hadii lawaayo shuruucdaa wax kala hagi lahayd oo dawladii dhexe ilaa iminka aanay diyaarin siday usuuro galaysaa in dalkan la maalgashado oo khayraadkiisa lala soo baxo,hadaba tani waxay dabraysaa awoodi dawlada dhexe u yeelan lahayd maamulida khayraadka dalka ,waxaanay sida hada muuqata gacanta u gali doontaa degaamada khayraadkaasi ku jiro ,waayo maadaama xukuumadii dhexe aay diyarin kari wayday sharcigii aay ku maamuli lahayd, waxaana suura gala in degaamadu aay shuruuc samaystaan aay maalgashiyayaasha kula shaqaystaan,waayo iminka waxa jira goloyaal degaan oo maamula magaalooyinka waawayn oo si sharciya dadwaynuhu usoo doortay, arinkana usaamaxayo in aay ka faaiidaystaan jaaniskaa aay dawlada dhexe banaysay,waxaaynu tusaale ahaan usoo qaadan karnaa dhawr meelood oo aay ka mid yihiin sibidhka berbera iyo haamaha kaydka shidaalka oo la ogaa wixii total inaga soomaray heshiiskii lala galayna ilaa iminka aan umada loosoo bandhigin iyo golayaasha sharci dajinta iyo waliba golaha degaanka berber oo aan waxba ka ogayn ,ilaa iminkana dacwadi ka socoto shirkadii total oo leh heshiiskii nalala galy ayaa la jabiyay,waxa iswaydiinle marlabaad dhawaanta waxa la iclaamiyay in dib loogu celin doono gacan madaxbanaan mmamulka haamaha shidaalka berbera sidii total oo kalena u maamuli doonta oo loo madaxbanaanayndoono,hadaba kirayntan cusub ee haamaha shidaalka berbera ee uu ku dhawaaqay wasiirka ganacsigu maxaay kaga duwan tahay heshiiskii total ee aan la horgayn golayaasha sharcidajinta iyo degaankaba,
Waxa kale oo aan doonayaa in aan ka hadlo dhawaanta markii madaxwaynaha Somaliland uu qoraalada kusoo bixiyay samaysashada laba warshadood oo sibidha oo uu soo siiyay laba shirkadood oo wadniya ,malasoo
mariyay goalyaasha sharci dajinta iyo waliba deegaanka laga hirgalinayo warshadahan ,waxaan filayaa in jawaabtu tahay maya, waxaana markhaati ka ah sida aay hawshaasi usuura gali wayday ilaa iminkana khilaaf ka taagan yahay sababtoo ah sharciyadii ayaan lasoo marin,
isku soo xooriyo waxa aan dawlada dhexe ee Somaliland kula talin lahaa in aay ka waantowdo heshiisyada aanay usoo dhamaystirin sharciyadii ee aay la galayso shirkaha kala duwan,sidookalena waxa kula talin lahaa golaha degaanka in aanay ka gaabin awooda aay u leeyihiin ee sharcigu siiyay ee ubanaynaya in aay ilaalyaan xuquuqda degaanka aay masuulka ka yihiin,hana ogaadaan in aay u banaan tahay galista heshiisyo wixii aay hrumarin iyo dan u arkaan degaankooda awoodna u leeyihii.
Lasoco maqaalo kale oo ka hadlaya waxyaabaha qabyada ka ah xukuumada talada haysa
qalinkii aqoonyahan
cali cabaade wayd phonre4224476
berbera somaliland
—————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,
↧
kiraynta haamaha berbera ma kirayntii total oo kalaa, maxaase sharciyada loo marin waayay golayaasha sharci dajinta heshiisyada dawladu gasho ee maalgashadayaasha
↧