Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Imaamnimada Shariif iyo Allaahu akbarta Mahiga :By: Bashir M. Hersi

$
0
0

Beri hore ayaa nin socoto ah, ku soo baxay Geel barrin bannaan daaqaya,
hadduu dhinacyada eegay, qof la jooga Geela waayey, ayuu af labadi
dhawaaqay, oo yiri: “War Geela yaa la joogooy?” wax u jawaaba ayuu
waayey, aan ka ahayn codkiisa oo ku soo laba dhacay ama ku soo
laalaabtay, mar kale ayuu ku celiyey, isagoo kor u ciyay, haddana waayey
qof u warcelisa, saa intuu neef dheer jiiday naqaskana iska saaray
yiri: “Istaaq furullaahi, illeen Geela Anaa la joogay!”.
Aadanaha waxaa haga xeer iyo xukun, iimaan iyo aqli, akhlaaq iyo Anshax,
saddax ayaase waxay yihiin horyaalka xakameeyaha Aadanaha, oo kala ah:
DHAQAN, DIIN iyo QODOB, midka hore, waxaa saldhig u ah dhaqamada
aadanaha ku nool dunida, kala duwanaasho xooggan ayaa ka jira, haddana
intii isku dhaqan ahba waa isku caado iyo camal.
Dhaqanku wuxuu ku qotomaa xeer, yaa dajiyey? Sidee loo dajiyey? Maxaa
loo dajiyey? Waa weydiimo u baahan qoraal gaara, sababtoo ah, xeer wuxuu
dhashaa marka ay dhacaan isqabqabsi, dagaal iyo xadgudub, si loo
xalliyo ayaa xeer lagu xakameeyo dadka isku dhaqanka ah la dejiyaa,
tusaale ahaan Odoyaasha waxaa halhays u ah inay dhahaan marka ay gar
galayaan: “Xaajadu ma ugubaa mise waa ab laga soo gaar? Ma bar xoolaa
mise waa beer?…IWM”.
Midka dhexe, waa amarro xagga Eebbe ka yimid, ay tahay in loo fuliyo
sida ay u yimaadeen, waxaa dadka soo gaarsiiya Nabi ama Rasuul, waa
farriimo dadka lagu badbaadinayo, laguna saxayo qaladaadka ku jira
dhaqanka aan sare ku soo sheegnay, maadaama uu asal isagu yahay.
Kan ugu dambeeya ee sadaxaad, wuxuu ka kooban yahay, isu gayn dhaqankii
iyo diintii, lagu biiriyo waxyaabaha cusub, ee aan ku qeexnayn labadaa,
xeerar is badbdala ee ku dhisan hadba baahida jirta iyo sida loo nool
yahay, kaliya ma ahan, waxaa jira xeerar caalami ah, sida kuwa badaha,
cirka, ganacsiga IWM.
Xeer kale ayaa jira, oo la yiraa: “Xeerka Kayntka” waxaa ku dhaqma
xoolaha, mid walbaa midka uu ka xoog badan yahay ayuu cunaa, haba ku
qasbanaado oo dani ha u gayso, maadaama uusan calaf iyo cunto ka
maarmin, haddii kale uu dhimanayo, haddana waxaa halkaa ka jira tacaddii
aad u ballaaran.
Haddaan  dulmarka intaa ku joojiyo, aan gudogalo dulucda faallada, muddo
bil laga jeego, mudane Mahige ayaa waraysi ku sheegay in madaxtooyada
ay qabsadeen urur diimeed la yiraa: Aala Sheekh, isagoo dhaliisha u
waday inay madaxtooyada iska maamushaan saaxiibada madaxweyne Shariif,
balse, madaxweynaha ayaa sidii lagu yaqaannay iska hadaaqay, sheegayna
in Mahiga ay Maradu ka dhaday, eray bixin siyaasadda ku cusub.
Hadalkii Mahiga aad ayaa loo dhaleeceeyey, lana billaabay mudaharaadyo
ka dhan ah, oo ay hormuud ka ahaayeen isla kuwii uu lahaa madaxtooyada
ayey qabsadeen, waxaa horkacayey mudane Dhicisow, ha ka tagin Dahir
Geelle, oo ku hadlay magaca ururka “Daljir” dhammaan waxay diidanaayeen
in Mahiga soo hadal qaaday urur diimeed, waxayba ku sheegeen in Mahiga
diinta meel uga dhacay, ama wax ka sheegay.
Hubaal inaan arrinta sidaa loo wada arkin, waqtiga ayaa kala saare ehe,
waxaa geeriyooday madaxweynii hore ee Soomaailiya mudane C/laahi Yuusuf
Axmed, aaskiisa waxaa loo xilsaaray guddi qaran, hubaal inay ahayd
tallaabo fiican, balse, ma u dhammaatay sida loo billaabay? Ma ku
idlaatay sidii loo abaabulay?.
Anigu ma doonayo inaan Marxuumka wax badan ka dhoho, oo isaga ayaa iska
dhahay intuu noolaa, mana doonayo inaan naxashkiisa ka dul naanaaleeyo,
balse, sida wax u dheceen waa qasab in loo sheego, dhaliil iyo ammaan
waxay wadataba, iyadoon cid gaara ah loo alalaasayn, haddaba, marka hore
Alle ha u naxariisto inta dhimatay, bal maanta isagaa Naxashka ku jiree
isaga ducuda aan ugu horraysiinno, ku xigiya kuwii gacantiisa ku baxay,
kuwa gacan kale ku baxaay iyo kuwa aan ku bixinba.
Sanadkii tagay ayaan qoray qormo magaceedu ahaa: “wadaadka Wadanka ha
laga qabto” qormadu waxay ku dulmeerasay madaxweyne Shariif, ka dib
markii uu saxiixay wixii ay baxsheen “Kampala Accord” balse, sida
muuqato hadalkaa meel cidla ah ayuu ku dhacay, oo cidna ma dhagaysan,
haddana, af nooli hadal kama caagane, aan mar kale ku celsho war
wadaadka yaa naga qabto, illeen wax walba dhaanyee, diin, qaran, dhaqan
iyo dhaqaale.
Anigu waxaan la yaabanaa markuu habeennadii tagay guurada ku dhexqaaday
magaalada Muqdisha, dad badan waxay dheheen hurdada ayaa ka guurtay, oo
waa isku mashquulinayaa, qaar kale waxay dheheen wuxuu xiiso u qabaa
tuutaha ciidanka, oo jecel yahay inuu mar walba xirto, oo hadduu
maalintii gashto lagama garanayo waardiyihiisa ama ciidanka uu la socdo,
sidaa ayuu habeenkii u doorbiday.
Macnaha ugu macquulsan ee laga baxshay ayaa ah, inuu tiigsanayo sooyaal
hore oo suubban, maadaama arrinta guure habeenka uu caan ku ahaa Cumar
Ibnu Khaddaab, madaxweynihii labaad ee  dawladdii Muslinku yeelato,
waliba waxaa jira dhacdo habeen ka qabsatay guurayntii uu waday, oo raad
ku reebtay, haddaba, su’aasha ayaa ah, xaggay isaga egyihiin Shariif
iyo Cumar? Guurada hubaal, in kastoo aysan isku ujeed ahayn.
Taa kaliya ma ahan waxaa looga yaabay Shariif, wuxuu doonayaa inuu
salaad kasta bixiyo, uuna imaam noqdo, buufiska uu qabay inuu Imaam
noqdo, isla markii uu  madaxtooyada madaxa soo galiyey, shaqadii uu
qabtay ee ugu horraysay waxay ahayd inuu MASJID ka dhexdhisay, dabcan
salaadahana cidi ugama tImaaddo, mararka qaarna wacdi booje ah kama
marna, oo uu dadka ku baabo.
Sida ku cad sawir laga soo qaaday Janaasadii lagu dukanayey madaxweyne
C/laahi Yuusuf, waxaa salaadda bixiyey madaxweyne Shariif, oo isagu sida
dhaqanka u ah doonaya inuu wax walba safka hore uga jiro, Jabhadnimo
sida C/laahi Yuusuf, Jananimo sida Indhacadde, Profnimo sida Gaandi.
Safka xigay madaxweyne Shariif, waliba ku aadanaa dhabarkiisa, waxaa
taagnaa Mahige, oo sida sawirka ku cad gacanta bidixi u korraysay, taa
oo ah xeer ka baxsan salaadda ay fartay diintu, haddaba, su’aasha ayaa
ah: Mahiga ma Muslimaa mise ma ahan? Ani ahaan waxba iigama xirna,
hubaal inaysan dad badanna waxba uga xirnayn, balse, dhaqan ahaan iyo
diin ahaanba ma suuragalbaa in Janaaso Muslin uu safka hor ka taagnaado
nimaan Muslin ahayn?! Waliba aan si qumman isu qaabin, aqriste bal
liilkan hoose daawa.

http://blip.tv/somaliswiss/mahiga-miyuu-muslimay-6049869

Dabaa ku doodaya haddii C/laahi Yuusuf noolaan lahaa ee safka dhinac uga
jiri lahaa, inuusan ogolaadeen in Mahiga ama qof kale oo aan xayndaabka
ku jirin uu safka soo galo, haddana, dad badan ayaa shaydaan ka
aaminsan, Shariifna Sheekh u aaminsan, aqriste bal adoon caadifadaysnayn
ka feker dhacdada, hubaal inay wax badan daahfur u tahay ama ay dad
badan u noqon doonto baraarug.
Ila wada xasuusta ergagii ka socday Qaramada Midoobay xilligii Maxkadaha
mudane François Lomseny Fall, wuxuu la dukan jiray wadaadada, mudanahaa
iyo Mahiga ma isku midbaa? Xagga xilka hubaale, haddana inuu siyaabaha
qaar iyo safafka qaar soo galo miyeysan ahayn in yac laga yiraa? Yaase
ka dhahaya?.
Midse aan kaa qanciyo aqriste, waxaa jira wadammo badan oo ay wada
dagaan dadyow kala diimo  duwan, markii qof sare ka dhinto, maamuuska
iyo ambabixinta waxaa iska leh dadka ay isku diinta yihiin,  waxaana la
isugu wada yimaadaa xabaasha oo ay dhammaan ka soo wada qaybgalaan, oo
mar walba hagidda iyo hawraarta ay gacanta ugu jirto dadka ay isku diin
yihiin, haddii uusan diin laawe ahayn, oo ballantu noqonayso guriga laga
qaado ilaa xabaasha, ama uusan dhihin maydkayga ha la gubo, oo salaanta
iyo tacsidu ku ekaanayso gurigiisa.
Dhacdadaasi dhaqan iyo diin midna laguma tixgalin, waxaase la sameeyey
wixii la doono, waxaanse doonayaa inaan arrin kale halkan ku muujiyo,
Shariif saw maanta ku dukan maayo ninkii uu shalay gaalaysinayey? Saw u
ducayn maayo illeen salaadda Janaasada ayaaba intaa ehe ninkii uu shalay
gaal waaye lahaa? Haddaba, miyey suuragal tahay in maalinna waa gaal
inuu dadka ku dhoho, maalinna uu salaad ku dukado?.
Dhanka kale, aawaye wadaadadii madaxa nooga waalay waxay ku sheegayeen
Fatwada, ee lagu gaalaysiinayey C/laahi Yuusf iyo dawladdiisii? Sheekh
Cumar faaruuq isagu waa geeriyooday Alla u raxmado, maalintiisiise Anigu
wax baan ka dhahay, waxaan doonayaa kuwa nool inay wax ka dhahaan
ninkan Xabashida dalka ku soo hoggaaminaya? Kaliya ma ahan ee waliba saf
Janaaso ku soo daray nimaan muslin ahayn! Ee haddana waxba la dhahayn,
yaab.
Ugu dambayn. Shariif mid ayaan dhihi lahaa, Mudane dadka wax u reeb, wax
walba ha isku dayin inaad hormuud u noqoto, dalka dhan ayaad hormuud u
tahay, Siilaanyo iyo Somaliland inay kugu daba fayleen shirkii London ma
ku deeqi waysay? Fadlan xoogaa arrimaha dadka say u kala mudan yihiin
ugu dhaaf, xeerka ayaa sidaa qaba, diinta ayaa dhigaysa, xukunka ayaa
qeexaya.
Midna mahige ayaan leeyahay, ha malayn in Soomaalidu wada yihiin nacasta
kuu ogolaatay inaad saf la joogsato xilli Janaaso loo taagnaa, ama ay
yihiin kuwa gafuurka duubta ee gawraca masaakiinta, xusuuso inay jiraan
dad kula xisaabtamaya, xeer iyo xukunnna kula tiigsan doona, xilna inaad
sii hayso aan marna kuu ogolaan doonin.
Midna waxaan leeyahay Soomaalida, sida maydka dushiisa loo wada sinnaa,
la ahaa garbo aan gan is dheerayn, ayaa loo baahan yahay in wax loo
qaybsado, aan marna nalagu sii dhaqin  4.5 iyo waxa la midka ah, dadku
waa dhammaystiran yahay ma jiro qof dhimman ama beel qabyo ah, dhanka
kale, xilka aan u dhiibanno qof noo dhawra dhaqanka iyo diinta, haddii
kale maalin walba waxaa lagu jirayaa waxbaa la dhaamay iyo waxbaa la
halleeyey.

Bashir M. Hersi
Brdiraac@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>