Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Koobka Nabadda iyo isdhexgalka oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada Bosaaso”DAAWO SAWIRRADA”

$
0
0

Tartanka Ciyaaraha kubadda cagta ee lagu magac daray nabadda iyo isdhexgalka ayaa galabta lagu soo gaba gabeeyay garoonka kubadda ee magaalada Bosaaso.
Ciyaarta kama dambeysta ayaa dhexmartay kooxaha Sakhir iyo Iskuulka Xaaji Mire kuwaas oo kasoo gudbay heerarka kala duwan ee tartanka.
Kulanka galabta oo aad u xiisa badnaa ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyin ka tirsan Puntland,Maamulka Isboortiga gobolka Bari,kan degmada Bosaaso iyo dadweyne badan oo qaarkood kala taageerayay labada koox.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday kooxda ku ciyaaraysay magaca Sakhir,waxaana sidaas ay la hoydeen koobka si nabadeed iyadoo aan wax rabshado ah ka dhicin garoonka.
Gudoomiyaha Isboortiga gobolka Bari Mustafe C/raxmaan Majacase oo ka hadlay garoonka ciyaarta kadib ayaa sheegay in mudo 25-cisho ay soo socdeen ciyaarahaan ayna ka qaybgaleen 13-koox oo ka dhisan magaalada Bosaaso.
Siyaasi Barkhad Cali Saalax oo ka tirsan guddiga doorashada Puntland oo isna ka hadlay garoonka ciyaarta kadib ayaa u hambalyeeyay kooxda ku guuleysatay koobka,waxaana uu kula dardaarmay dhalinyarada in ay ka fogaadaan wax kasta oo anshaxa wanaagsan ka baxsan sida amni darrada iyo qabyaalada.
‘’Waxaan ku faraxsanahay in mudo 45-sano kadib aan indhahayga ku daawado ciyaar ka dhacaysa garoonka Bosaaso oo aan joogay maalinta la dhisayay,dhalinyarada waxaan idin leeyahay haka qayb qaadanina amni darrada iyo qabyaalada oo runtii Soomaali meel xun gaarsiiyey’’,ayuu cod dheer ku yiri.
Tartankaan ayaa mudadii uu socday si aad ah looga dareemay magaalada Bosaaso iyadoo galab kasta garoonka ay xaadiri jireen bahda xiiseysa Isboortiga.





























Photo By:-Ayuub C/raxmaan Maxamed
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>