Dalalka Yurub ee ku bahoobay lacagta Yuurowga ayaa si weyn kor ugu qaaday lacagta samata-bixinta dhaqaalaha Yurub ay ugu talagaleen in ka badan hal Trillion, waxaana talaabadaasi ay qeyb ka tahay dadaaladii ugu dambeeyay ee Yurub ay uga difaaceyso dhaqaalaheeda iyo kan dunidaba,deymaha oo ay iska bixin waayaan dowladaha ay qaanta dilootay.
Wasiirada maaliyadda ee 17ka ee adeegsata lacagta Erowga ayaa isku raacay Jimcihii shalay kulan ay ku yeesheen magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark inay lacagaha ay samata bixinta dhaqaalaha yurub ku bixiyaan gaarsiiyaan shan boqol oo bilyan sanadka soo socda, lacagtaas oo lagu shubi doono sanduuq cusub oo dhaqan gali doona bisha July ee soo socota.
Yurub ayaa horey ugu qarashgareysay tobanaan bilyan oo dolar lagacaha samata bixinta- iyadoo lacagahaasi ku bixsay laba jeer Giriigga iyadoo dalalka Ireland iyo Bortaqiiskana siisay min hal mar.
Sanduuqan cusub ayaa loogu talagalay in dalalka talyaaniga iyo Spain looga difaaco dhaqaale xumi ay suuragal tahay inay la kulmaan