Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dilalka weriyayaasha oo weli Soomaaliya ka sii socda iyo weriyihii ugu dambeeyay oo Bartamaha Soomaaliya lagu dilay

$
0
0

Waxaa weli gudaha Soomaaliya ka sii socda dilalka ka dhanka ah weriyayaasha Soomaaliyeed ee gudaha dalka ka hawlgala, dilkii ugu dambeeyayna wuxuu ka dhacay magaalada Beledweyne, xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Weriyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahad Jarmal waxaana dilkiisa fuliyay koox hubeysan oo aan la ogeyn ujeedada ka dambeysa weerarka weriyahan idaacada Shabelle u shaqeynayay lagu dilay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxay sheegeen in kooxda dilka geysatay ay isku dayday inay baxsadaan balse ay isku dhaceen ciidamada dowladda ee degmada gacanta ku haya, isku dhacaasna waxaa ku dhintay mid ka mid ah kooxdii weriyaha dishay.

Dilkan ayaa ku soo aadaya xili ku dhowaad toban weriye ay ku dhaawacmeen weerarkii naftii-haligista ahaa ee ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Muqdisho, weerarkaas oo ay ku dhinteen madax ka tirsaneyd isboortiga Soomaaliyeed.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>