Muqdisho (RBC Radio) Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya haydaha dowlada oo salka ku haaya qaraxii ka dhacay Tiyaatarka qaranka.
Raysal wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya Cali Gaas ayaa sheegay in xiligaan uu san jirin wax khilaaf ah oo ka dhex jira dowlada oo ku aadan qaraxaas wuxuuna Raysal wasaaruhu uu sheegay in aanan loo baahnayn wararka magaalada leesla dhexmarayo.
C/wali cali gaas ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Qaraxaas ay ka danbeeyeen kooxda Al-Shabaab isla markaana ay sheegteen ayagu laakiin aanan loo baahnayn in hay’adaha dowlada lagu eedeeyo.
Wuxuu intaa ku daray inuu jiro gudi loo saaray arintaas loona baahanyahay in gudigaasi laga warsugo oo aanan laga hordhicin baaritaanada ay wadaan gudigaan heerka wasiir ah.
Hadalkaan ka soo yeeray raysal wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya C/wali Maxamed Cali ayaa wuxuu ka sheegay asaga oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBC.
Waxay ku soo adaysaaaaaaaa arintaan xili madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya uu sheegay in qaraxaasi uu ku dhacay qaladaad ka yimid dhanka wasaarada warfaafinta Soomaaliya halka wasaarada warfaafintana arintaasi ay iska fogaysay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
↧
Raysal Wasaare Gaas: Ma Jiro Khilaaf Ka Dhex Jira Dowlada Oo La Xariira Qaraxii Tiyaatarka Qaranka
↧