Ilmo yer oo lix lugood ku dashay oo lagu qalay dalka Pakistan
Muqdisho (RBC) Waxa dalka Pakistan isbitaal ku yaala lagu guuleestay howlgal dhib badan lahaa, kaa oo lagu doonaayay in looga reebo afar lugood, ilmo ku dhashay isagoo leh lix lugood.
Qaliinkan oo ka dhacay magaalada dekada leh ee Karachi, ayaa waxa lagu sameeyay wiil yer kaa lix lugood qabay, qaar badan dadka ku dhaqan magaalada ilmahan yer ku dashay, waxa ay aamisanaayeen in aan lagu guuleesan karin, laakin illaah quwadiisa ilamaha yer hadda waa uu bad qabaa.
Dhaqaatirta waxa ay baaritan ku sameeyeen dhiiga ilmaha yer labo jeer, waxana ay ku guuleesteyn in qaliil lagu sameeyo oo wiilka yer loo reebo labo lugood.
Aabaha dhalay ilamaha lixda caruur ku dhashay oo ay wadajir isaga iyo dhaqtarka hoggaaminayay qaliinka la sameeyay oo shir jaraa'id qabtay
Dhaqaatiirta dalka Pakistan waxa kaloo ay dagaal u galeyn in ay badbaadiyaan nolasha ilmaha yer, kaa oo ku dashay toddobkii hore isagoo leh lix lugood, waxana ay arrintan loo sababeeyay mid dhaxal ah.
Kooxda dhaqaatiirta ee howshan sameesay oo ah ilaa shan, ayaa dadaal badan galiyay in la badbaadin karo nolasha wiilka, waxana ay ka tirsan machadka caafimaadka caruurta National Institute of Child Health ee ku yaala magaalada Karachi.
Mahada isbitaalka NICH, Jamal Raza, ayaa sheegay in arrintan ay ka dhalatay cudur dhaxal kaa oo asiiba mid ka mid ah maalaayin caruur ah oo ku nool dalka Pakistan.
Wuxuu yiri ” Hooyada ilmaha yer dhashay waxa inoo sheegtay in ay dareemi jirtay dagaal gudaha caloosheeda ay ka dareemeyso ilmaheeda” waana wax badanaa dhacda ayuu lee yahay arrintan.
Ka hor inta aan lagu sameyn ilmaha yer qaliinka, wuxuu sheegay dhaqtarka hoggaaminaayay howlgalkan, waxa la sameeyay wadatashi ballaaran, ka dibna waxa uu lee yahay waxa uu qaliinka qaatay siddeed sacaddood.
Wiilka yer ee la qalay oo hadda labo lug lagu soo reebay
Ilamaha yer ayaa markii qaliinka lagu sameeyay, waxa lagaliyay qolka xaalada degdega waxana la saaray qalabka X-ray .
Imran Shaikh, waa aabaha dhalay ilmahan lixda lug ku dhashay wuxuu sheegay in Sukkur uu dareemayo in uu yahay wiil wanaagsan uuna ku dadaali doono daweyntiisa.
” Waxa aan nahay qoos sabool ah, waxa aan rabaa in aan u mahadceliyo dowladda iyo dhaqaatiirta kuwaas oo inaga caawiyay in uu guuleesto qaliinka lagu sameeyay wiilkeyga” ayuu yiri.
Markii uu baaha si toos u yiri waxa aan u baahanahay in la i caawiyo, waxa durba ballan qaaday xaanada ilmaha yer iyo waalidiintiisa duqa Sindh Governor, waxana uu sheegay in ay siin doonaan qooska iyo ilmaha yer xanoono joogta ah.
Shaikh iyo Xaaskiisa waxa ay afarsano ku noolaayeen deeganka Sukkur, oo qiyaastii 280 miles waqooyi ka xiga halka wiilkooda loo qaaday, waxa la soo sheegayaa in xaalada hooyada dhashay ilmahan ay wanaagsan tahay oo ay caafimaad qabto.
Adeerka hooyada dashay ilmahan ayaa sheegay in aysan soo aadin isbitaalka oo wali waxa ay ku jirtaa xaalada Umusha, waxa uu sheegay in ay jecel yihiin in ilmahan yer ay u bixiyaan Cumar Faruuq.
Dhacdooyinka noocan oo kale, waa kuwa badanaa aduunka ka dhaca, bishii January wiil reer Peru ah ayaa lagu sameeyay qaliin was operated on to remove his parasitic twin from his stomach.
RBC Radio
——————-
Xafiiska Wararka Pakistan
↧
Ilmo Ku Dhashay Lix Lugood Oo Lagu Guuleestay Qaliin Lagu Sameeyay Si Looga Reebo Afarta Kale “Warbixin Iyo Sawirro”
↧