Gudoomiyaha golaha fulinta Ururka Ahlusuna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo la-hadlay Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku jiraan la tashiyo ku aadan shacabka gobalada dhexe islamarkaana ay doonayaan in ay sameeyaan maamul gobaleed cusub oo lagaga dhawaaqo gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa sheegay in aysan iyagu ka gudbayn magaca Ahlusuna laakiin waxa uu sheegay in ay wadaan maamul gobaleed islamarkaana aysan doonayn in kaliya hal gobal ay ka sameeyaan maamul gobaleedka.
Wuxuu sheegay Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow in dhismaha maamul gobaleedka aysan doonayn kaliya in ay ka dhisaan hal gobal laakiin ay doonayaan in ay ka dhisaan gobalo badan oo kamid ah gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa sidoo kale sheegay in shir uu kaga qeyb galay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia uu ahaa mid lagu lafa guray xaaladda dalka Soomaaliya islamarkaana uu kusoo dhamaaday guul.
Ugu dambayn guddoomiyaha golaha fulinta ururka Ahlusuna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa sheegay in ay socdaan latashiyo ku aadan qaabkii loo soo dhisi lahaa maamul gobaleedka ay iminka qorshaynayaan in ay dhistaan ururka ahlusuna.
Hadalka gudoomiyaha golaha fulinta ee ururka ahlusuna ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan tirada maamul gobaleedyada looga dhawaaqayo dalka xili haatanba uu sheegay Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow in Ururka Ahlusuna ay qorshaynayaan in ay ku dhawaaqaan maamul gobaleed cusub.
↧
Ahlu Sunada Gobolada Dhexe oo shaaca ka qaaday inay sameyneyso Maamul Goboleed loo-dhan yahay-
↧