Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Madoobe Nuunow Oo Ku Dhawaaqay Daarashadii Ay Qaban Lahaayeen Inay Dib u Dhacday

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo garab ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ay u doorteen Gudoomiya ayaa sheegay inay dib u dhigeen doorashadii ay ku balansanaayeen qabayaaqada bishaan.
Asagoo maanta suxufiyiinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in aan wali la helin musharixiin ku filan ee u tartami lahaa xilka Madaxtinimo.
Madoobe Nuunow Maxamed oo haatan hogaaminaya qaar badan oo ka tirsan baarlamaanka KMG  ayaa sheegay inay qabanayaan  hadii la helo musharixiin ku filan doorashada madaxtinimada oo ay haatan diyaarinayaan.
Sidoo kale wuxuu xusay inay jiraan musharixiin dibada ka soo wacay oo ka codsaday inay imaanayaan oo ay ka qayb galayaan doorashada isla markaana ay yihiin Mushariciin.
Garabka Madoobe Nuunow ayaa horay u sheegay in 30-ka April ay qabanayaan doorashada madaxtinimada, kadib markii ay sheegeen in Madaxweynaha uu waajibkiisa gudan waayay.
Hadalka Madoobe nuunow Maxamed ayaa wuxuu ku soo adayaa xili ay socoto qaban qaabo in la ansixiyo baarlamaanka KMG ka dibna la soo xulo baarlamaankii kan hada jira badali lahaa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>