Ganacsade Cali Maxamed Siyaad Cali Dheere Ayaa soo dhoweyay dadaalada ay waddo dowladda KMG ah ee Soomaaliya kaas oo ku aadan furitaanka wadooyinka ciriiriga ah Ee suuqa Bakaaraha.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho Cali Maxamed Siyaad ayaa waxa uu sheegay in uu aad u soo dhoweynayo Furitaanka wadooyinka Muqdisho maadaama ay yihiin kuwo Ciriiri ah loona baahnaa in la furo si ay dadka uga Dukaameystaan si dhibyari ah.
Cali Maxamed Siyaad ayaa sidoo kale dowladda ka codsaday in Ay goobo ganacsi u sameyso dadkii laga bur buriyay goobihii Ay Ugu ganacsan jireen sida jarcidarada ah ee ku yaalayay Suuqaasi si ay u heleen nolol maalmeedkooda.
Mar wax laga weydiiyey Cali Dheere in uusan xiligan aheyn Gudoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayuu sheegay inuu weli yahay gudoomiyaha Ganacsatada islamarkaana aysan jirin meel xilka looga qaaday waxaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada shaqsi kale oo ku aadan gudoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waddo dadaalo ku Adaan sidii dib loogu furilahaa wadooyin suuqa bakaaraha Maadaama ay ahaayeen goobo ciriiri ah.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
↧
Cali Dheere”Weli Anigaa Ah Gudoomiyaha Ganacsatada Bakaaraha,Howlaha Suuqa Ay Dowladu Ka Wadana Waan Soo Dhoweynayaa”
↧