Waxaa Magaalada Muqdisho ka socota Qabanqaabadi ugu
danbaysay ee Shirka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.
Wariyaal ku sugan Xarunta Shirka uu ka dhacayo ee Hoolka Shirarka
Jeneraal Kaahiye Ex School Polizio, ayaa Gedoonline u sheegay in
wakhti dhow uu si rasmi ah u furmi doono Shirka Odayaasha Dhaqanka ee
Soo xulaya ergada 825ta Xubnood ee ansixinaya Dastuurka Cusub ee
Soomaaliya.
Odayaasha ka qaybgalaya oo gaaraya 135 Xubnood ayaa la sheegay in
dhamaantood magaalada joogaan , waxaana la sheegay in si sare loo
abaabulay Kulanka, Ergada shirkana xubin walba ay ku galayso kaar
aqoonsi ah ama ID Card.
Dhanka kale waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada Muqdisho , Waxaana
gob joogayal aan goordhawyd la xiriirnay ay sheegeen in Magaalada
Muqdisho saaka ku waabariisatay Jawi Cusub, Ciidamo farabadana lagu
arkayo Wadooyinka Muqdisho kuwaas oo baaritaano ku samaynaya Dadka iyo
Gaadiidka Isticmaalya Wadooyinka Waaweyn.
Shabakada Wararka ee Gedo online.com waxay Akhristayaasheeda u
ballanqaadaysaa in wixi Warar ah ee Shirka Odayaasha Dhaqanka kusoo
kordha aan xiliwalba idin soo gudbin doono.
↧
Wadooyinka Muqdisho oo saaka Ciidamo badan la dhigay iyo Ammaanka oo la adkeeyay
↧