Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dowladda Iiraan oo sheegtay in dagaalada sokeeye ee ka socda Soomaaliya ay dhiiragelinayso dowladda Mareykanka.

$
0
0

Taliyaha ugu sareeya ciidanka Badda Iiraan Admiral Xabiibulaah Sayari
ayaa sheegay in kooxaha Burcad badeeda Soomaalidu qiyaas ahaan ay
sababeen waxyeelo ka badan $7 bilyan oo doolarka Mareykanka ah oo ka
dhan ah dhaqaalaha caalamka, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimada
howlgalka ka dhanka ah Burcad badeeda ee ay dawladda Iran ka wado
biyaha caalamiga ah.
Sida uu sheegay Wargeyska Tehran Times Admiral Xabiibulaah waxa uu
hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shirkii 20-aad ee ururka
badmareenada dalkiisa oo lagu qabtay jasiirada Kish Island oo ku taala
gacan-biyoodka Persian, wuxuuna intaasi ku daray in Burcad-badeeda
Soomaalidu sababtay khasaaraha qiyaas ahaan 7 illaa 12-bilyan oo
dollar iyo afduubka 1,090.
Admiral Sayyari waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Maraykanku ay
tahay midda dhiirigelisa sida uu hadalka u dhigay dagaalka sokeeye ee
Soomaaliya, wuxuuna ka hadlay sababta keentay dhibaatada ka taagan
dalka Soomaaliya oo 22-kii sanadood ee u dambeeyay dhibaatooyin ay ka
socdeen, isla markaasna arrinkaasi ay dabada ka riiixayaan dowlado ay
ka mid tahay Mareykanka.
“Khilaafaad gudaha ah ee dalka Soomaaliya, Kalluumaysiga
sharci-darrada ah ee biyaha Soomaalida iyo ku daadinta wasakhda
Nukliyeerka ee dalal kala duwan waxay sababeen shaqo la’aanta iyo
degenaansho la’aanta xeebaha dalkan Soomaaliya, waxaana muuqata in la
sii hurinayo dhibka ka jira Soomaaliya, waxaana haatan muuqata in
dalal badan ay ay si sharcidarro ah uga kalluumeystaan Soomaaliya oo
ay kheyraadkeeda xadaan” ayuu yiri Taliyaha ugu sareeya ciidanka Badda
Iiraan Admiral Xabiibulaah Sayari.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles