Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Wadooyinka Ugu Muhiimsan Muqdisho Oo Saaka Xiran

$
0
0
image: 

Waxa saaka xiran wadooyinka ugu muhiimsan caasimada Soomaaliya, ee Muqdisho, kuwaas oo aan saaka isticmaaleynin gaadidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo lee yahay.
Wadooyinka saaka xiran waxa ka mid ah, KM4, KM5, Isgooska Banaadir iyo wadada dabka, waxana halkaas la soo dhoobay ciidamo Poolis ah, oo si gaar ah utababaran, sida uu sheegay RBC Radio goobjooge ku sugan halkaas.
Arrintan ayaa ka dambeesay markii toddobaadkan ay iclaamiyeen hey’adda culimada Soomaaliyeed dibad-bax weyn oo looga soo horjeedo dastuurka la doonayo in loo sameeyo Soomaaliya.
Ma cadda in wadooyinka saaka la xiray ay la xiriiran dibad-baxaas in looga soo horjeedo iyo in kale, sidoo kale waxa aan la ogeyn in uu dhici doono dibad-baxaas.
Gaadidka dadweynaha ayaa saaka teel-teel u socda, kuwaas oo adeegsanaya wadooyinka xaafadaha, waxana qiimaha gaadidka ku darsamay dhowr kun oo Shs.
Toddobaadkan ayaa kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ka qeybgaleen odayaal, siyaasiyiin, xildhibaano iyo culimo waxa looga dhawaaqay dibadbax weyn oo looga soo horjeedo dastuurka Soomaaliya sida uu ka sheegay Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ahaa dadkii kaqeybgalay kulankaas.
Ilaa hadda DKMG ah wax masuul kama hadlin xirnaashiyaha saaka wadooyinka muhiimka magaalada Muqdisho sidoo kale waxa aan war laga heynin hey’adda culimada Soomaaliyeed oo iyada iclaamisay dibad-baxan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>