Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dirk Kuyt oo ka hadlay Mustaqbalkiisa Kooxda Liverpool

$
0
0

15.May.2012:-  Laacibka Reer Holland iyo Kooxda Liverpool Dirk Kuyt  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in uu boos joogto ah ka waayo kooxdiisa tan iyo markii uu kooxda Qabtay  Kenny Dalglish.
Dirk Kuyt ayaa sheegay in uusan helin fursado fiican waxii ka dmabeeyay markii kooxda uu hogaanka u qabtay Dalglish iislamarkaana ay taasi isaga niyad jabisay.
Kuyt ayaa intaasi raaciyay in shaqsi ahaan uu jecelyahay inuu sii joogo naadiga Liverpool islamarkaana uu doonayo boos uu kooxda ku yeesho.
macalinka kooxda Reds Dalglish ayaa kursiga kaytka uga tagay  31-jirkaan inta badan kulamadii kooxdaasi Ciyaartay xili ciyaareedkaan dhamaaday.
Laakiin laacibkaan Kuyt ayaa qaba in isaga uu yahay xidig leh awood iyo karti uu kooxda wax ugu qbaan karay taas oo uu xusay in aan laga faa iudaysan.
Dirk Kuyt ayaa usheegay jariirata  The Sun: “xukunka macalin Dalglish waxii ka dambeeyay ma jiro dareen aan qabo oo aan ahayn in uu u fariisiyay Kursiga kaytka,asbuuc walbaa”
“waxaana ahaa ruux aan ciyaarin asbuuc walbaa taas oo i niyad jabisay,laakiin Anigu waxa aan aaminsanahay in aan ahay ciyaaryahan awood leh awoodana inuu ciyaaro asbuuc walbaa’
Kuyt ayaa dhawr jeer u muuqday inuu ka hayaamayo kooxda Liverpool inkastoo uu haatan jecelyahay inuu sii joogo garoonka Anfield,
“run ahaantii si xeel dheer waxa uu qalbigayga u doonayaa inaan sii joogo  Liverpool,” ayuu intaasi raaciyay Kuyt.
Kuyt ayaa 2gool oo kali ah dhaliyay 26 kulan oo horyaalka ingiriiska ah oo uu ciyaaray intii uu kooxda laylinaayya Dalglish.waxaana iminka siwayn u doonaya kooxo ka dhisan Horyaalka Serie A oo ay ka mid tahay kooxda Roma iyadoo sidoo kale dhanka Grmany ay uga gacan haatinayso kooxda  Hamburg.
 
Mohamud Hassan Idajaa
Idaajaa4@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>