Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Culumaa’udiinka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe oo sheegay in aanay ka qeyb geli doonin shirka Addis Ababa

$
0
0

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna Wal-jameeca Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in aanay marna ka qeyb geli doonin shirka saxiixayaasha Road Map-ka ee maanta uga furmaya magaalada Addis Ababa.

 Guddoomiyaha fulinta Ahlu Sunna Sheikh Yusuuf Max’ed Xeefow oo
saxaafadda kula hadlaayay magaalada Dhuusamarreeb ayaa sheegay in ay ka
soo horjeedaan shirka ka dhacaya Addis Ababa, qodobada ka soo baxaan
aysan dhinacooda ka soo horjeedaan.
Xeefow ayaa sheegay in shirkaas ay wataan uun Danjire Mahiga, Faroole
iyo DKMG ah madaxdooda, maxaa yeelay ayuu lee yahay Ahlu Suna waxa u
matalaya dad aan waligood ahlu sunna noqon.
Wuxuu sheegay in ay ka soo horjeedaan shirkaas aysana taageeri doono
waxyaabaha ka soo baxa, wararkii ugu dambeeyay ee naga soo garaya
magaalada Addis Ababa waxa ay sheegayaan in shirka dhamaan dhinacyada ka
qeygalaya ay hadda ku sugan yihiin.
Ahlu Sunna waxa ka mid tahay saxiixayaasha Roud-Mapka, laakin iyaga ayaa
farabadan oo dhowr Ahlu Sunna ayaa hadda jirta, waxana xusid mudan in
shirka hadda ka dhacaya Addis Ababa in ay joogaan xubno matalaya Ahlu
Sunna oo madaxweynaha DKMG ah.
Hadalka Xeefow waxa uu sii muujinayaa khilaafka weyn ee ka dhexmuuqda
arrimaha Roud-Mapka, iyadoo horey ay u jireyn dhaleeceyn loo jeedinaayo
qabyo qoraalka dastuurka ee la doonayo in lagu sameeyo xiliga KMG ka
hor.
Ahlu Sunna waa koox qunyar socod, wadaada ah, waxa ay badankood xoog ku
lee yihiin gobalka Galgaduud, waxana xiriir ay la lee dahay Dowladda
Ethiopia.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles