Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Ciidamada DKMG Oo Lawareegay Deegaano Katirsan SH/Hoose.

$
0
0

News(SONNA) Wararka naga Soo gaaraaya Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Deegaanka Calamada ayaa sheegaya in ay la wareegeen Ciidamada DKMG Soomaaliya Iyo Kuwa Midowga Africa oo gacan siinaaya.
Ciidamadaa ayaa si Dagaal la,aana kula wareegay Degaankaa oo horey ay gacanta ugu hayeen Ururka alshabaab oo in mudaa ka talinaayay,waxayna Degmadaa afgooye ujirtaa 10KM.
Ururka Alshabaab ayaa isa ga baxay Deegaanka Calamada kadib Markii ay kawar heleen iney ku soo foo leeyihiin Ciidamada DKMG Soomaaliya Iyo Kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Africa Ee Amisom.
Saaraakiisha Ciidamada DKMG ayaa sheegay iney sii wadayaan howlgalada ay kula wareegayaan Deegaanada ay gacanta ku hayeen Alshabaab ayna ku sii ruqaansan donaan Deegaano kale oo ka tirsan Sh/Hoose.
Maalintii Shalay ayaa Ciidamadaa is Kaashanayaa waxay la Wareegeen wadada Dheer Ee Xiriirisa Afgooye Iyo Balcad,Waxaana Wali Socda Deegaanada ay ku sii fidayaan Ciidamada DKMG Soomaaliya Iyo Kuwa Midowga Africa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>