Xilli dambe oo habeenkii xalay ahaa ayaa waxa soo baxay warmurtiyeedkii shirkii qeybaha siyaasadda ee Soomaalida uga socday dalka Ethiopia. Warmurtiyeedkan ayaa waxa ku jira waxyaabo cusub oo ay ka mid yihiin in la abuuro Guddi dhexdhexaadin ah oo laga dhex abuurayo Odayada Dhaqanka Soomaalida ee jooga Muqdisho, kuwaas oo beelaha oo dhan min 5 xunbood laga soo dooranayo. Waxa kale oo warmurtiyeedka lagu sheegay in la abuuri doono Guddi Farsamo oo kaalin ka geysan doona xulidda Guddiga Ansixinta Dastuurka iyo baarlamanka Cusub.
Sidoo kale waxa warmurtiyeedka lagu sheegay in la abuuri doono xafiis isku xira saxeexayaasha Roadmapka kaasoo laga furi doono magaalada Muqdisho. Arrinta ugu weyn ee warmurtiyeedkani qorayo ayaa ah jadwal loo dejiyey hawlaha la qabanayo, iyada oo 4ta bisha August loo qoondeeyey in la doorto Afhayeenka baaralaamka iyo ku xigeenadiisa, halka 20ka bisha August na loo qoondeeyey inay noqoto maalinta madaxweyne cusub la dooranayo.