Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

XOG : Ciyaaryahan isku qarxiyey dalka Kenya

$
0
0

Booliska wadanka Kenya ayaa laga soo xigtay in ruuxii waday gaari dhawaan ku qarxay albaabka hor saldhig boolis oo Nairobi ku yaala uu horey uga tirsanaa mid ka mid ah kooxaha kubadda cagta ee ka cayaara horyaalka dalka Kenya KPL la yiraahdo.
War ay boolisku soo saareen ayaa waxaa lagu sheegay in ruux hadda la tuhunsan yahay magaciisa la yiraahdo Cabdul Haajara ayaa ka tirsanaa koox kubbada cagta cayaarta oo ka dhisan degaanka la yiraahdo Majengo ee dalka Kenya.
Cabdul Haajara ayaa gurigiisa laga waayay sanadkii 2010 waxaa ehelkiisu u sheegeen warbaahinta dalka Kenya inay tuhmeen inuu inta Soomaaliya soo aaday uu ku biiray Xarakadda Al-Shabab.
Aabaha Cabdul Haajara ayaa u sheegay wargeyska The Standard ee Nairobi kasoo baxa in wiilkiisa ugu war dambeysay sanadkii 2010 mar uu shahaadada Bach,ka ka qaaday jaamacadda.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku waramaya in Cabdul Haajara uu ahaa ruuxa waday gaarigii maalmo ku qarxay saldhig boolis oo ku yaala xaafadda Pangani ee Nairobi kaasoo dhaliyay khasaaro nafeed.
Tiro badan oo dhalinyaro Kenyan ah ayaa la aaminsan yahay inay ka mid yihiin dagaalamayaasha Al-Shabab.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Cali Ameeriko oo baarlamaanka hortagaya

$
0
0

Kn: Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa codsaday in safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo hadda ku sugan Xamar uu hortago baarlamaanka si xildhibaanada u weeydiiyaan su’aalo.
Su’aalaha ayaa la xiriira xaaladda Soomaalida ku sugan Kenya, sida uu yahay xiriirka dublamaasiyadeed ee labada dalka iyo waxyaabihii u qabsoomey intii uu safiirka ahaa.
Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in weeydiimaha qaarkood ay ka mid noqon doonaan waxyaabo baddan oo lagu eedeeyey safiirka intii uu shaqada hayay.
Waxay noqoneysaa markii koowaad oo safiir uu hortago baarlamaanka, iyadoo markii hore wasiiradda kaliya ay hortagi jireen baarlamaanka.KismaayoNews.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

SOMALIA: Government calls on the Kenyan Government to ensure the protection of innocent Somalis

$
0
0

Somali Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed met with the Somali Ambassador to Kenya, Mr. Mohamed Ali Nur, who arrived in Mogadishu on Sunday, April 27, 2014 after he was invited to brief the Prime Minister and Cabinet on the latest developments on the situation of Somali citizens in Kenya.
Somalis in Kenya have been facing hardships due to the ongoing security operation by the Kenyan forces that has resulted in mass detentions. The same operation led to the arrest of the Political Consular at the Somali Embassy in Kenya, Siyad Mohamud Shire, which the Somali Federal Government finds to be a violation of diplomatic convention.
The Somali Cabinet has repeatedly discussed the condition of the Somali citizens in Kenya. The Somali government sent a request to the relevant agencies in the Kenyan government to approach the ongoing security operation in a manner that respects the rights and dignity of innocent Somalis in Kenya.
The Prime Minister’s meeting with the Somali Ambassador follows an Extraordinary Meeting of Cabinet on Saturday evening at which the cabinet discussed the situation of in Kenya.
The Prime Minister, said:
“The Federal Government of Somalia continues to expresses serious concerns over the detention of law abiding Somali citizens in Kenya. The majority of Somalis living in Kenya are peace-loving citizens, with many significantly contributing to the Kenyan economy.
“The Somali government has been in constant communication with the Kenyan Government on these detentions and would like to see the government of Kenya make every effort to ensure the protection of innocent Somali citizens.
“The Somali government also seeks an official response from the Kenyan Government on the arrest of the Somali Consular to Kenya, Siyad Mohamud Shire, which is a serious violation of diplomatic immunity.
“Both our governments share the same security concerns, but the continued detention of innocent Somalis only serves to create an atmosphere of fear and mistrust that will result in dividing our communities.
“We have always had strong relations between our two nations, and we acknowledge and appreciate Kenya’s continued support to Somalia. Both governments must continue to work together in our efforts to secure our nations from the threat of terrorism.”
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Cabdi Qeybdiid oo magacaabay wasiirrada cusub ee maamulka Galmudug[Dhageyso]

$
0
0


Madaxweynaha Galmudug Jen.Cabdi Qeybdiid
Gaalkacyo[RBC Radio]Madaxweynaha maamulka Galmudug,Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa goor dhawayd magacaabay xubno ka mid ah wasiirrada maamulka Galmudug,kaddib markii uu dhawaan shaaca ka qaaday inuu kala diray wasiirrada xukuumaddi hore.
Cabdi Qeybdiid,waxaa uu sheegay xukuumadda cusub inuu ku soo dhisayo waxqabad,maadaama wasiirradi hore shaqada looga joojiyey xil gudasho la’aan sida uu sheegay.
12-wasiir oo ka mid ah xukuumadda ayuu magaacab madaxweynaha Galmudug isagoona kula dar-daarmay inay noqdan kuwa ka soo baxa howlaha shaqo ee loo magacaabay.
Xukuumadda cusub ee uu maanta shaaciyey madaxweynaha Galmudug,waxaa ay ka duwan tahay xukuumaddihi hore,waxaana dhammaanba xubnaha lamagacaabay lugu sheegay inay yihiin kuwo lugu dortay howl-karnimo.
Afhayeenka madaxtooyada Galmudug, Faysal Cabdi Jimcaale oo isna dhawaan lamagacaabay ayaa saxaafadda u akhriyey xubnaha cusub ee ka mid noqonaya wasiirrada maamulka Galmudug.
Halkan hoose ka dhageyso hadalka Cabdi Qeybdiid iyo afhayeenka:-
http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2014/04/Dhagayso-Codka-.mp3Hoos ka akhriso magacyada wasiirrada:-
1- Cowke Xaaji Cabdiraxmaan Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda
2- Xarbi Cali Kulane Wasiirka Iskaashiga iyo Xariirka Caalamka
3- Xareed Cali Xareed Wasiirka kheyraadka
4- Xasan Faarax Barre Wasiirka Arimaha fedaraalka iyo dib-u-heeshiisiinta
5- Maxamed Cabdiqaadir Xaashi Wasiirka Waxbarashada
6- Maxamed Aadan Qalabxoor Wasiirka kalluumeysiga
7- Axmed Shariif Cumar Maxamuud Wasiirka Caafimaadka
8- Cabdi Yuusuf Xasan Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga
9- Xasan Maxamed Siciid Gacaliye Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha
10- Axmed Maxamuud Araxeey Wasiirka Isboortiga, Shaqada iyo Shaqaalaha
11- Xasan Cabdiqaadir Xasan Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta
12- Xasan Xaashi Warsame Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska
Magacaabista golaha wasiirrada cusub ee Galmudug waxaa lugu sheegay inay qeyb ka tahay isbadal uu doonayo madaxweynaha maamulkaas inuu sameeyey,waana madaxweynihi ugu horreeyey ee kala dira wasiirro kuwo cusubna magacaaba intuu maamulka dhisna.___RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweyne Xassan SH waa in uu is Casilaa ama waa in uu wax muuqda uu u qabtaa Shacabkiisa. W/Q Dahir mohammed Sheikh

$
0
0

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH MAXAMUUD WAA IN UU IS CASILA AMA WAA IN UU WAX MUUQDA UU QABTA SHACABKIISA LABADAAS MID KOOD HA YEELO.
Mr. Dahir mohammed Sheikh
Email: mr.dahir@msn.comAbriil 28 2014
Shacbiga Soomaaliyeed Waxay dhahaan ” Run iyo Ilko waa la cadeeya” sababta aan hadal kaas u soo qaatey waxay tahay markii aan u adkeysan waayay dhibka heysta Shacbiga soomaaliyeed meel kaste ha jooggan, Qaas ahaan Reer Nairobi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu beryahaan danbe ku fashil may siyaasadda sababtoo ah waxaa beryahaan danbe soo if baxay Dhibka heysta Shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kenya xita waxaa dhacday in Madaxdii Safarada Soomaaliya ee Nairobi joogey ay noqdeen Maxabiis Qaxooti ahaan loo qabto aydoo la ixtiraami waayay in ay yihiin Diplomaasiyiin Soomaaliyeed taas waxaa ka daran in Madaxweynihii uu iska Aamuso oo wax hadal ah ama war ah laga waayo oo ku saabsan dhibka heysta Shacbiga Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah Nairobi.
Hadaba Dhibka Soomaalida heysta aad iyo aad ayuu u badan yahay haddii ay jooggan Dalka Gudihiisa ama Dibadiisa waxaan talo ahaan u soo jeedin laha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya in laba arrin mid kood uu yeelo.
1) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa in uu noqdo Geesi Difaaci kara Dadkiisa iyo Dalkiisa isla markaana u tixgeliya waxa ay doonayaan Shacbigiisa meel kaste ha jooggan, kana shaqeeya Horumarka Dalka , waana in uu iska Ilaaliya danaha Shisheeye ay doonaayaan maxaa yeeley wuxuu Madaxweyne u yahay Shacbiigiisa Soomaaliyeed waana in uu shaqeeya Si daacad ah iyo howl karnimo ku jirto .
2) Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud haddii uu san Difaci karin Xaquuqda ay leeyihiin Shacbigiisa Soomaaliyeed ama Danaha dalkiisa , waxaa u haboon in uu si deg deg ah isku Casilo maxaa yeeley waxbaan qaban waayay ceeb ma ahan ee waa Sharaf, Tusaale yar haddii aan ku siyo: Ra’iisal Waasarihii Koonfuurta Kuuriya wuu is Casilay isagoo Qofna aan Qasbin sababta waxay tahay Arday Kuuriyaan ah oo Markab kii ay wateen ayaa badda ku Gudoomay ama dhex galay waxaana ku dhintay ardaydii.
Mudane Madaxweyne waa iga talo ee labadaas talo mid yeel laakiin afeef aniga ha igu xanaaqin maxaa yeeley Dhibka Shacbiga ayaan u adkeysan waayay.
Mahad sanid,
Mr. Dahir mohammed Sheikh
Email: mr.dahir@msn.com
Nairobi Kenya
——————————–
Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maxaa ka khaldan macaahida waxbarashada sare ee Puntland? W/Q Abdulkadir Farah Mohamoud (Carab Juur)

$
0
0

Maxaa ka khaldan macaahida waxbarashada sare ee Puntland?
Abdulkadir Farah Mohamoud (Carab Juur)abdijour@gmail.comAbriil 27, 2014
Abdulkadir Farah Mohamoud (Carab Juur)
Waxaa mudadii la soo dhaafay ku soo siyaadayey Puntland macaahida waxbarashada sare ee looga gudbo jaamacadaha dalka waxaa hadaba iyadoo taasi jirto dhinaca kale noqotay mid laga naxo tayada iyo natiija xumida waxbarashada sare ee dalka oo aan ilaa hada wax dareena aysan ka muujin waaxda wasaarada tacliinta sare ee dalka oo ah qaybta loo xilsaaray loona asteeyey tayanta waxbarashada sare ee dalka.
Waxaa magaalada Garowe ka furan ilaa 10 machad ku was ooo lagu tababaro arday laguna soo dhiso ardaydii aan dhamnaysan waxbarasha dugsiyada sare si ay ugu gudbaan jaamacadaha dalka, hadaba maacidaas ayaa waxaa ka muuqata tayo la,aan dhanka waxbarashada ah iyagoo adrayda aan ku soo xulanayn wax heer aqooneed ah ee u soo bandhigaya kaliya maadooyinka iyo heerka waxbarasho ee meeshaas ay ku hayaan.
Waxaa macaahida qaarkood sameeyeen qorshe 1 sano ah ee ay ku diyaarinayaan qaabkii ay ugu gudbin lahaayeen jaamacadaha iyagoo ku dhigaya dhamaan duruustii ay ardadu ku soo qaadan jireen afarta fasal ee dugsiga sare.
Waxaa la oran karaa waxaa kala yar wakhtiga iyo duruusta oo ah kuwo aad u badan hadaba Waxaan booqasho iyo indho indhayn ku sameeyey qaar ka mida macaahidaas anigoo mudo dheer xog aruurin ka samaynayey qaabka ay wax u wadaan, waxaa ii soo baxday in ardaygii loo gudbiyo jaamacada isagoo aan u diyaarsanayn waxbaro sare una qalmin jaamacada inuu dhigto.
Arinkaasi waxa uu keenayaa in jaamacada dalka ay noqdaan kuwo soo saara badanaa arday aan tayo lahayn oo aan u qalmayn inay dhamaysteen heerka loo yaqaano (Bachelor degree)
Waxaana la oran karaa waxay taasi keeni kartaa in ardaygii dhiganayey 4 sano dugsiga sare uu niyad jabo isagoo is leh saaxiibkaa oo kaaga haray fasalka 8 daad dugsigii Dhexe ayaa maanta kaa sareeya oo waxa uu dhiganaa jaamacadii adigana wali waxaa ku jiraa dugsigii sare halkaasna waxaa ku lumaya tayadii waxbarashada sare ee dalka.
Talo soo jeedin: Waxaa talo u soo jeedinayaa waaaxda waxbarasha sare ee Puntland waxaana leeyahay waan wax laga qabtaa waxbarashada sare hadii kale waxaa ku lumaya inta hada jirta oo ah meel wanaagsan oo laga amba qaadi karo.
Abdulkadir Farah Mohamoud (Carab Juur)abdijour@gmail.com
___________________
Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Bannaanbax ballaaran oo maanta Kismaayo ka dhacay iyo boqollaal shacab ah oo ka qeyb-galay[Sawirro]

$
0
0

Kismaayo[RBC Radio]Guud ahaan magaalada Kismaayo oo saldhig u ah maamulka Jubba,waxaa maanta ay ku jirtay jawi badal,kaddib markii ay isku soo baxeen inta badan shacabka magaalada Kismaayo oo dhigayey dibadbax looga soo horjeedo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Kismaayo.
Waxaa soo qaban-qaabiyey banaanbaxa maamulka KMG ah ee Jubba iyo ururrada haweenka ee magalaada Kismaayo,waxaana ka qeyb galay qeybaha bulshada iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.
Waxaa la arkayey boqollaal ruux oo isugu jiray haween iyo dhallinyaro isugu jira ayaa socod dheer kusoo maray wadooyinka waaweyn ee Kismaayo iyagoo ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku taageerayaan nabadda islamarkaana ay uga soo horjeedaan dilalka qarsoon ee ka dhaca magaalada Kismaayo.
Hadallada ay dadku ku hadaaqayeen inta ay ku guda jireen socodkooda banaanbaxa,waxaa ka mid ahaa “Dooni Meeyno Nabad Diid”, Doono Meyno dilal qarsoon” iyo hadallo kale oo kuwaa lamid ah.
Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Tima-jilic oo la hadlay dibadbaxaasha ayaa sheegay in cabasho xooggan ay uga timid qeybaha bulshada, wuxuuna ballan-qaaday in la adkeyn doono ammaanka magaalada.
Wuxuu xusay in ay sameyn doonaan howlgallo lagu sugayo amaanka, gaar ahaan xilliyada habeenkii oo ay inta badan dilalku dhacaan.
Sidoo kale guddoomiyaha degmada Kismaayo,waxaa uu shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka, ayna soo wargeliyaan haddii ay arkaan falal lagu qalqal-gelinayo amniga.
Dibadbaxa ay dhigeen shacabka magaalada Kismaayo,waxaa uu ku soo aadaya xilli ay maalmihi danbe Kismaayo ka dhacayeen dilal qorsheysan oo shaqsiyad kalagadisan loo geysanayey.____RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweynaha Soomaaliya oo u dhoofay Jabuuti

$
0
0

Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u dhoofay dalka Jabuuti,halkaaso la sheegay inuu shirar iyo kulamo uu kala qaadan doonno madaxda dalkaasi.
Booqashada madaxweyne Xassan ee dalka Jabuuti ayaa lugu sheegay inay tahay mid rasmi ah,waxaana socdalka ku waheliya wafti dowladda ka socda.
Waxaa la sheegay dalka Jabuuti inuu madaxweynaha kula soo shiri doonno madaxda dalkaasi gaar ahaana maaxweynaha dalka Jabuuti,Ismaaciil Cumar Geelle.
Arrimaha ay labada madaxweyne kawada-hadli doonan,waxaa lugu sheegay xoojinta xiriirka labada dal iyo kaalinta ay dowladda Jabuuti ka qaadaneyso dib-u-soo celinta xasilloonida Soomaaliya.
Ma jiro wali cid ka hadashey socdalka uu madaxweynaha iyo waftigiisa ku aaden dalka Jabuuti iyagoo ka ambabaxay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.____RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Weerar lagu Qaadey Isbital ku Yaalla J. A. Dhexe

$
0
0

Garoowe oo Salaad Roob doon loo Banaanbaxay (sawiro)

$
0
0

Dadweynaha Reer Garoowe ayaa Maanta isugusoo baxay banaanka Magaalada iyadoo halkaa laga oogay Salaad Allabari Roobdoon ahayd.
Waxaana kasoo qaybgalay Culima Awdiinka,Xubna katirsan Dawlada iyo dhamaan qaybaha Bulshada.Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo Khadbad ka jeedshay ayaa sheegey in loo baahanyahay in Alle laga cabsado,Roobla,aanta Dhulka soomaalida ayuu ku tilmaamay inay tahay cara Eebe ka dib markii dhiiga Muslimiinta si Macdaro ah loo daadshey ayaa Shiiku raacshey.Sawirada hoos ka Fiiri.
 
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ciidanka Itoobiya oo sii daayey saraakiil ka tirsan cidamada dowladda Soomaaliya oo u xirnaa

$
0
0

Ciidanka Itoobiya ee fadhigiisu yahay degmada luuq ee gobolka gedo ayaa  waxay shalay galabtii xoriyadiisa siiyeen sarakaal ay horay  u xireen Diyaad Cabdi Kaliil, oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federalka ee Soomaaliya ee ka howlgala gobolka gdeo 
Diyaad Cabdi Kaliil, ayaa ahaa Taliyihii Saldhiga Booliska ee Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxaana 3 maalmood ka hor isaga iyo ku xigeenkiisiiba lagu xiray xabsi ku yaalla Degmada Luuq.kadib markii uu xabsiga magaaladaasi ka baxsaday nin ku xirnaa xabsigaasi oo la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab.
Siideynta sarkaalkaasi ayaa ka dambeysay dedaallo badan oo la sameeyay, taas oo keentay in aakhirkii ay ciidamada Itoobiya sii daayaan Diyaad Cabdi Kaliil, oo la dhashay Gudoomiyaha Gobolka Gedo, waxaana maarkii la siidaayey uu warbaahinta u sheegay in sababta uu ninkaasi xabsiga u baxsaday ay aheyd xaabsiga oo jajaban ,islamarkaasna aan muddo dheer helin wax dayactir ah, isagoo xusay in ninka baxsaday lagu daba jiro si loo soo qabto sida uu yiri.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada luuq ayaa sheegaya  in Ciidanka Itoobiya ee ku sugan degmada Luuq ee Gobalka Gado ay  30.April.2014 albaabada isagu dhufteen maxkamadii degmadaasi oo ay ka socotay qaadista dacwado kala duwan, lama garanayo sababta kaliftay in ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay xireen maxkamadda Luuq walow dadka deegaanku ay sheegayaan inay caqabad ku tahay joogitaanka ciidanka ee degmada.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Kornel ka mid ahaa ciidamada Yugandha ee AMISOM oo laga yaabo in lagu xukumo dil toogasho ah

$
0
0

Sarkaal hore uga tirsanaa ciidamada UPDF kana mid ahaa ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya ayaa ku laabanaya toddobaadka soo socda maxkamad milatari oo uga socota gudaha dalka ugandha iyadoo ay suurtogal tahay in lagu xukumo dil toogasho ah ,waxaana sarkaalkaasi oo lagu magacaabo  Lt Col David K. Matua ay maxkamad milatari oo la soo taaagtay 24kii bishii dhamaatay,  ku heshay in uu dayacaad ku kacay xilli uu ku sugnaa dalka Soomaaliya,kadib markii ay maxkamaddu dhageysatay marqaatiyaal caddeeyey danbiga loo heysto sarkaalkaasi.
Sarkaalkan oo taliye ka ahaa ciidamada taangiyada ee ciidamada AMISOM qeybta Ugandha  isla markaana madax ka ahaa howlgalada iyo tababarka (OPTO), ayaa loo haystaa in uu gudan waayay howshiisa kuna guuldareystay in uu dayactir ku sameeyo taangiyo uu mas’uul ka ahaa. Sida ay maxkamaddu ku eedeysay.
Col David K. Matua waxa uu ka mid ahaa saraakiil dib looga celiyay dalka Soomaaliya bishii September ee la soo dhaafay sababo la xiriira dambiyo musuqmaasuq ah. Oo lagu eedeeyey inay galeen isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada ugandha ee qeybta ka ahaa ciidamada AMISOM ee soomaaliya ku suagan.
Kornelkan ayaa loo haystaa dambi ah in June 2013 uu si xun ula dhaqmay Captain Eric Kiberu Kassulo oo ah sarkaal dayactirka taangiyada qaabilsan isagoo ku amray in uu ka soo baxo taangi yiil meel ka baxsan daafaca ciidamada taasina ay dhici kartay in rasaas la soo riday ay ku dhacdo sida ay maxkamaddu ku dooday
Sida ay daabacday shalay jariirada The Observer  sarkaalkaasi ayaa  waxaa sidoo kale loo haystaa inu ku guuldareystay inuu kormeero xaaladaha taangiyada ku jira dagaalka. Waxaana eedeymahaas ay sababi karaan in lagu xukumo dil toogasho sida uu qabo sharciga u yaal UPDF, April 24 oo ahayd xilligii maxkamada la soo taagay sarkaalkan ayaa Maj Samuel Tumwebaze oo kala wareegay xilka Matua Septembertii hore waxa uu sheegay in taangiyada oo saddexdii biloodba mar dayactir lagu sameeyo uusan Matua ku sameyn.
“Haddii aan taangiyada la kontaroolin waqtiga la qorsheeyay, fiilo ama wire yar oo taangiga ka mid ah ayaa sababi kara in bambooyinka dul saaran ay qarxaan kuwaasoo waxyeelo gaarsiin karta ciidamada,”ayuu yiri Tumwebaze xilli su’aalo la weydiinayay.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Dowladda Kenya oo sheegtay inay qunsul u soo magacaabaneyso mid ka mid ah maamul goboleedyada Somaliya

$
0
0

Dowladda Kenya ayaa markale waxay shaaca ka qaaday inay qunsuliyad ka furan-doonto mid ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya  gaar ahaan maamul goboleedyada dalka ka jira, waxayna intaasi ku dartay in qusul cusubna ay u magacaabi doonto xafiiskaasi, kaas oo ay sheegtay inay ka furaneyso magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaluland.
Sida warku sheegayo wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa hadda ku sugan magaalada Hargeysa kuwaas oo maamulka Somaliland kala hadlaya qunsuliyadda ay ka furanayaan Hargeysa iyo sidii ay u la shaqeyn lahaayeen qunsulka cusub ee  ay soo magacaabanayaan, waxayna wafdiga madaxwey naha Somaliland u sheegeen in qusunsul ay u magacaabeen magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, kii labaadna ay hargeysa u soo magacaabayaan, loogana baahanyahay maamulkiisa wada-shaqeyn dhab ah inuu la yimaado.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo wafdiga kala hadlay arrimaha qunsulka ayaa sheegay inuu soo dhawayneyo xiriirka diblumaasiyadeed ee u bilaabmaya dowladda Kenya iyo Somaliland, wuxuuna yiri Siilaanyo “Somaliland waxay diyaarineysaa inay xiriir diblumasiyadeed oo adag la yeelato Jamhuuriyadda Kenya oo dhawaan qunsul u soo magacaabaneysa magaalada Hargyesa, waxaana xafiiskaasi qunsulka loo furi-doonaa si degdeg ah”.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Kulan magaalada Addis Ababa ku dhexmaraya Madaxweynaha Soomaaliya iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka

$
0
0

Xoghayaha Arimaha Dibada Dowlada Mareykanka John kerry oo booqasho ku tagaya magaalada addis ababa ee xarunta dalka itoobiya waxa uu halkaasi kula kulmayaa Madaxwerynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud, isagoo kala hadli doono sidii Nabad iyo Xasiliini loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya islamarkaana loo xoojin lahaa  dagaalka lagula jiro Xarakada Shabaab ee Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil u hadashay dowladda mareykanka
Saraakiishaasi ayaa sheegay in Mareykanku ay ka tageeri doonaan  Dowlada Xasan Sheekh Maxmuud uu hogaamiyo la dagaalanka kooxa AL-Shabaab iyadoo dowladda mareykanku ay horey u soo jeedisay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM eek u suagan dalka Soomaaliya gaar ahaan tirade ciidamada Itoobiya ka jooga dalka soomaaliyaga,  waxaana sidoo kale uu xoghayaha arrimaha dibadda itoobiya uu arrimaha soomaaliya kala hadlayaa dowladda itoobiya oo ciidamo badani ka joogaan gudaha dalka soomaaliya
Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka ayaa sidoo kale waxa uu  Addis Ababa kula kulmi doonaa qaar katirsan Madaxda wadamada Africa kuwaas oo uu kala hadli doono
 dajinta iyo maareynta Xasradaha ka taagan Wadamo badan oo Africa ku yaala sida Sudaanta koonfureed iyo wadanka Bartamaha Africada dhexe.,isagoo sigaar ah ugala hadli doona colaadda ka taagan K/sudan wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka itoobiya ,Kenya ,iyo ugandha ,iyadoo dowladda mareykanku ay digniin adag u dirtay dhinacyda ku dagaalamaya K/sudan  oo ay sheegtay in  ciddii sii wadda xasuuqa lagu hayo dadka rayidka ah ay cunaqabteyn ku soo rogi doonto.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Q 1aad Sugaanta Dumarka Ninkeedii bay Cabay u Tirisay Sh Cabdiqani Qardaawi


Casharkaa 94 aad Suuratul Al Anfaal Aayadda 12-28

Wasiirka Arimaha Dibada Oo Ka Warbixiyay Kulan Madaxweyne Silaanyo La Qaatay Hay’ad South Afrikan Ah Oo Somaliland Ka Caawin Doonta Ictiraafka Daawo

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Wasiirka arimaha dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ka warbixiyay kulan madaxweynuhu la qaatay hayad Somaliland ka caawin doonta aqoonsi raadinta halkan kadaawo

Idhanka.com
Idhanka Hargaysa Office

Dawlada Turkiga Oo Madaxtooyada Somaliland Ku Wareejisay Baabuur Iskugu Jira Kuwa Gurmadka Deg-dega Ah Iyo Gawaadhi Kale (Daawo Sawirada)

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Dawlada Turkiga ayaa deeq gawaadhi noocoodu yahay Unbalance ama kuwa Cusbital-ada loogu adeego gaar ahaan kuwa Gurmadka Degdega ah oo ka kooban 5 Unbalance iyo laba gaadhi oo kala ah V8 iyo Gaadhi Mine-Buss ah ku wareejisay Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan waxa ka gudoomay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, [...]

Daawo Fariin Wacyi Galin Ah Oo Wadajir Ay U Duubeen Madaxwynaha Dalka Maraykanka Barack Obama Iyo Kuxigeenkiisa Iyo Jilaayo Caan Ah (Daawo Video)

$
0
0

Washington-(Idhanka)-Aqalka cad ee looga taliyo dalka Maraykanka ayaa shabakadiisa [Youtube], uu ku leeyahay, ku baahiyay, muuqaal hal daqiiqo ah, oo Madaxweynaha dalkaas Barack Obama, ku xigeenkiisa, Joe Biden iyo xidigo caan ka ah dalka Maraykanku ku wada jiraan.
Muuqaalkan oo ah fariin wacyi galin ah, ayaa Madaxda Maraykanka iyo jilayaasha Daniel Craig, James Bond, iyo qaar [...]

Daawo Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Inta Badan Xafiiskiisa Ka Maqan Oo Ka Waramay Xaalada Guud Ee Gobolka, Xidhiidhka Udhaxeeya Isaga Iyo Gobolka Daawo

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Badhasaabka gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar oo inta badan xafiiskiisa ka maqan ayaa ka waramay xaalada guud ee gobolka isagoo ku sugan magaalada Hargeysa halkan kadaawo

Idhanka.com
Idhanka Hargeysa Office

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live