Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Amiirad Sacuudi ah oo loo maxkamadeynayo inay amartay "garaacidda qof u shaqeynayey"

$
0
0

Xisa Bint Salman ayaa iyadoo aan joogin goobta lagu maxkamadeynayaa dalka Faransiiska.


Maxaad ka ogtahay sida baraha bulshada ay u sumcad dili karaan ganacsigaaga?

$
0
0

Haddii ay ahaan lahayd mid ka timid dadka internetka jabsada amaba qof macaamiil ah oo aan qanacsanayn amaba jawaab celin ka dhalatay qoraal aad ku baahisay baraha bulshada ,ayaa daqiiqado gudahood ku dhaawici karo sumcadda iyo magaca ganacsigaaga.

Messi 'mucjisaddii kubbadda' oo hadda lagu muransanyahay

$
0
0

Cabashooyinka gudaha kooxda ka imanaya ayaa sheegaya Messi inuu kooxda qaranka Argentina uu xil weyn ka qaban karin.

Baydhabo oo Lagu Soo Bandhigay Wax Soosaarka Beeraha Soomaaliya.

$
0
0

Magaalada Baydhaba waxaa maanta ka dhacay soo bandhigis wax soo saarka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah mashruuc ay maalgeliso hay’adda kaalmada u qaabilsan Maraykanka ee USAID. Warbxintan waxaa Baydhaba nooga soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.
 

 

Trump: Safiirka Ingiriiska waa doqon maraan ah

$
0
0

Safiirka Ingiriiska u fadhiyo Mareykanka Sir Kim ayaa la sheegay in uusan kulan la qaadan doonin gabadha Trump, Ivanka.

Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Gedo

$
0
0

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay degaan hoos-taga gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa miino ayaa la tilmaamay in uu haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey degaanka Kurtun.
Warbixinada ayaa tibaaxaya in khasaaraha ay sii cagageyneyso dhimashada lix ruux iyo dhaawaca tiro kale oo qaarkood ay daran tahay xaaladooda.
Illo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa lala damac-sanaa kolanyo uu la socdey Jenaraal Cabaas Ibraahim Gurey, oo ah taliyaha ciidanka dowladda ee aagaasi.
Jenaraalka oo kasoo baxayey tuulada Gariley ayaa la sheegay in uu wadada ka weecdey balse lama ogga hadii uu helo xogta.
Gaariga shacabka ah ee ay miinadu la kacdey ayaa kasoo baxaya magaaladda Ceel-waaq ee goboladda Gedo kuna dhow adka Soomaaliya iyo Kenya.

DFS oo beenisay in ay gorgortan ka galeyso dacwada badda

$
0
0

Muqdisho (SMN) – Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Warar Been abuur ah oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta, kaasi oo sheegayey inuu isbeddelay Mowqifka Dawladda ee ku aadan qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, C/nuur Maxamed Axmed ayaa Wararkaasi ku tilmaamay ku been Abuur ah, isaggoo Xusay  in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu wado Baaritaan  ku saabsan Ilaha Wararkaan Been Abuurka ah Baahiyey.
“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah” Ayuu yiri C/Nuur Maxamed Axmed


Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle

Ayax Khatar Galin Kara Beeraha Somaliland

$
0
0

Wasaaradda Beeraha ee Somaliland ayaa ka digtay Ayax kasoo hayaamay dalka Yemen oo halis gelin kara dalagyada ku yaalla beeraha Somaliland

Nicki Minaj : Fannaanad ku balan furtay Sucuudiga

$
0
0

Hay'ada waxay ugu baaqday in ay "diiddo lacagta dawladda" oo ay fursada ku siideynta 10-ka haween ee u dhaq dhaqaaqa arimaha xuquuqda aadanaha oo xabsiga ku jira.

Dambiilayaasha ma noqon karaan daris wanaagsan?

$
0
0

Labaatan sana ka hor Norway waxay billaawday barnaamij ay macabiista ku daryeeleyso si ay mardambe dambi kale u gelin.

Trump oo isaga is amaanay

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu amaanay siyaasaddiisa ku wajahan isbaddallada cimilada.

Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle

Rag weerar ka geystay Muqdisho oo la toogtay

$
0
0

Muqdisho (SMN)– Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay 3 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Hoteel Naasa-Hablood2 ee M/Muqdisho ,28,Oct sanadkii 2017,kaasi oo khasaare dhaliyay.

Hadaba halkan ka akhriso: Habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda.
Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad      Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:-
1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud.
2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud   ku dhashay Gedo
3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo  eedeeyay  Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo  in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay  18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale.
Taariikhdu ahayd  30/05/2018  waxey  maxkamada ciidamada qalabka sida ku  Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo  Taariikhdu markay ahayd   28/10/2017.
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.
WABILAAHI TOWFIIQ


Ciidamada DF oo la wareegay deegaanno ka tirsan G/Bakool

$
0
0

Xudur (SMN)– Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Generaal Odowaa ayaa sheegay inay si dardar leh ku socdaan howlgalladaasi oo uu jeedkoodu ku sheegay in Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay heystaan.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyey ciidadamada dowladdu ay ku qabsadeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo uu ka xusay Mooragaabey iyo Ceel La Helay oo ka tirsan gobolkaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Jimcaale-1.mp3

Khayre oo soo dhaweyn loogu sameeyey Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo (SMN)– Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Gaalkacyo uga qayb galay munaasabad soo dhawayn ah oo maamullada gobalka gobalka Mudug iyo degmada Gaalkacyo ay u sameeyeen.
Duga magaalada Gaalkacyo iyo guddoomiyaha gobalka Mudug oo munaasabadda soo dhawaynta ah ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada uu Ra’iisul Wasaaruhu ku yimid magaalada Gaalkacyo iyo dadaalladiisa dhismaha Galmudug dhamaystiran, waxa ayna codsadeen in dowladdu wax ka qabto baahiyaha bulsho ee ka jira degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobalka Mudug.
Waxgarad, Haween iyo dhallinyaro ka hadlay munaasabadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa deegaanka, waxa ayna u rajeeyeen in uu guul ka gaaro socdaalkiisa dhidibba u taagidda Galmudug loo dhanyahay.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay ayaa ballan qaaday in baahiyaha bulsho ee ka jira gobalka ay dowladdu ay ka jawaabeyso oo ay wax uga qabaneyso sida ay u kala daranyihiin.
Ra’iisul Wasaaraha oo dhexda uga jira socdaalka lagu baadi goobayo dhamaystiraka dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug ayaa bulshada deegaannada uu tegay waxa uu la qaatay kulamo wadatashi ah, si loo helo Galmudug lagu wada qanacsanyahay oo qayb waliba oo bulshada kamid ah ay talo ku leedahay.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

DF oo beenisay inay bedashay mowqifkeeda Badda Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho (SMN)– Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Warar Been abuur ah oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta, kaasi oo sheegayey inuu isbeddelay Mowqifka Dawladda ee ku aadan qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/nuur Maxamed Axmed ayaa Wararkaasi ku tilmaamay ku been Abuur ah, isaggoo Xusay  in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu wado Baaritaan  ku saabsan Ilaha Wararkaan Been Abuurka ah Baahiyey.
“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah” Ayuu yiri C/Nuur Maxamed Axmed

Gantaaladan 'hallaaga ah' ee Turkiga iyo welwelka ay Reer Galbeedka ka qabaan

$
0
0

Waxaa laga walwalsanyahay waxa saraakiisha Ruushka ay ogaan karaan marka ay rakibayaan qalabkan.

Wargeysyada Nairobi: Abiy Axmed ayaa u kala dab qaadaya Kenya iyo Soomaaliya

$
0
0

Wargeysyada Kenya waxay sheegayaan in Abiy Axmed uu qabanqaabinayo shir la isgu keenayo madaxweyne Maxamad Cabdullahi Farmajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>